Kenya ma aqoonsan kartaa Somaliland sharci ahaan

Kenya oo Abuurtay Xiisad aan Hore u Jirin

Ka dib shirkii ka dhacay Londan 7-dii Febraayo ee 2019-ka ee lagu soo bandhigay macluumaad (seismic data) ku saabsan shidaalka ku jira badda Soomaaliya, waxaa dawladda Kenya eriday safiirkii Soomaaliya, keediina way la soo laabatay.

Kenya waxaya ku doodday in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooyin ku yaal dhul badeed ku yaal Kenya laakin xad la leh Soomaaliya.  Shirkadda Spectrum ee soo qaban qaabisay shirka isla markaasna soo diyaarisay macluumaadka (Seismic data) shidaalka badda Soomaaliya, iyo dawladda Soomaaliya labaduba way beeniyeen hadalka ka soo yeeray dawaladda Kenya, waxayna caddeeyeen in wax la xaraashay aysan jirin, dhul-badeedka Kenya muranka galisayna uusan ku jirin macluumaadka xirmooyinka shirka London lagu soo bandhigay.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabada Kenay qaadday waxay abuurtay xiisad colaadeed iyo isku dhac siyaasadeed waayo Kenya waxay damacday inay xoog iyo cadaadis kula wareegto dhul-badeed Soomaaliya leedahay taasina waxay sababtay in mucaarad iyo muxaafid Soomaaliyeed oo dhan meel ay joogaanba aya midoobaan oo hal meel uga soo wada jeestaan dhul ballaarsiga Kenya.

Waxaa laga yaabaa in madaxda Kenya iska dhaa-dhiciyeen in maadaama siyaasiyiin badan oo u jan-jeera dhinaca shisheeyaha iyo madax hore oo gacan saar dhowna la leh Kenya ay deggan yihiin ama ganacsiyo ku leeyihiin waddankeeda ay kuwaas u adeegsan karto inay dawladda Soomaaliya ka dhaa-dhiciyaan danaha Kenya.

Waxaa kale oo Kenya is tustay in maadaama awoodda iyo maamulka dawladda Soomaaliya uusan gaarsiisnayn dalka oo dhan,in  aysan Kenya kala kulmi doonin Soomaaliya awood ciidan ama mid siyaasadeed oo ka hor istaagi kara inay xoog ama cadaadis siyaasadeed ku muquuniso dawladda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya si ay ula wareegto dhul-badeedka Soomaaliya ee ku dhow xadka Kenya.

Kenya Waxay Ku Hanjabtay Inay Somaliland Aqoonsanayso

Hanjabaadda Kenya ee ah inay Somaliland aqoonsanayso waa taak-tiik kale oo ay doonayso inay ku cadaadiso dawladda Soomaaliya si ay ugu khasabto in si hoos-hoosay ah loo xalliyo khilaafka badda isla markaana dacwadda Soomaaliya gaysay maxkamadda cadaaladda ee caalamiga ah la soo celiyo.

Cadaadiska iyo madax adayga noocaan ah wuxuu muujinayaa in Kenya aysan hasysan tiir sharci oo adag, kalsoonina ku qabin dacwadeeda. Haddii ay xaq ku taagan tahay oo dhul iyadu leedahay Soomaaliya sharci darro ku haysato, waxay ku kalsoonaan lahayd oo sugi lahayd go’aanka maxkamadda. Hanjabaadda noocan ah waa mid Kenya ay sharafta isaga qaadday waayo ma aha wax sharci ku taagan. Sharciga Qaramada Midoobay iyo kan Midowga Afrika labuba wuxay sugayaan midnimada iyo wada jirka dhulka iyo dadka Soomaaliya. Gaar ahaan sharciga AU-da ee 1964-tii lagu kala saxiixday Qaahira oo uu ka dambeeyay boqorkii Itoobiya, Xayle Salase, isagoo raba inuu ku xalaalaysto dhulka Soomaalida ee hadda ka tirsan Itoobiya, isna wuxuu qeexayaa in xuduudaha Afrika loo daayo sidii gumaystuhu uga tagay.

Marka haddii ay Kenya isku daydo inay tumato sharcigaas waxay isku furaysaa god quraanyo (Pandora Box) waayo waxay taasi siinaysaa Soomaaliya fursad ay si nabad, diblumaasiyad,  iyo dood shariyeed ah ugu doonto inay kula soo noqoto dhulka Soomaalida ee dhaca waqooyi bari Kenya (NFD).

Sharciyan Kenya ma Aqoonsan Kartaa Somaliland?

Waxaase is waydiin leh Kenya si sharci ah ma u aqoonsan kartaa Somaliland? Waxaa kaloo is waydiin leh maxaa ilaa iyo 1991-kii markii dawladdii Soomaaliya bur-burtay loo waayay cid aqoonsata Somaliland?

Jawaabtu waxa weeye, waxaa jira sharciyo caalami ah oo qeexaya waddan waxa uu yahay, sida uu samaysmi karo, iyo sharciga u yaal ootahay in loo maro haddii waddan rabo inuu kala go’o.

Sidaa awgeed hanjabaadda Kenya ee ah inay aqoonsanayso sharci kuma taagna. Haddii taasi dhacdana Soomaaliya waxaa u furan inay iyana dhulka Soomaaliyeed (NFD) ee Ingiriisku siiyay Kenya, ay iyana u aqoonsato waddan gaar ah.

Tan kale, Kenya ma fahmi wayday haddii waddan aqoonsanayo Somaliland, Itoobiya iyo Ingiriika ayaa mar hore aqoonsan lahaa.

Aqoonsi iyo Aqoonsi La’aan Somalilnad Mar Walba Waa Soomaali

Laakiin kaba soo qaad in Kenya aqoonsato Somaliland oo safiirna u dirsato. Taasi ma waxay la macna tahay, reer Somaliland waxay ka baxayaan Soomaalinimada oo hal mar bay jinsiyad iyo isir kale noqonayaan.

Maya. Taasi ma dhacayso oo reer Somaliland mar walba waa Soomaali, xataa haddii ay noqdaan dawlad gaar ah oo cid walba aqoonsato waayo Soomaalinimadu waa u dhalasho, kumana xirna magaca maamul ama deegaan. Inay Soomaalinimadu u dhalasho tahay waxaa u daliil ah Soomaalida Jabuuti, kuwa waqooyi bari Kenya, kuwa Itoobiya, iyo kuwa Soomaaliya kulligood waxay aamminsan yihiin in asalkoodu yahay Soomaali. Xiriirkooda guur, ganacsi, deegaan, iyo is dhex-galna meeshii ugu fiicnayd taariikhda Soomaaliya buu maanta marayaa.

Haddii taas aan ka soo tagno, bal dib u fiiri magacyada maamul goboleedyada hadda ka jira Soomaaliya. Kan keliya ee Soomaalino sheegtay waa Somaliland. Somaliland macnaheedu waxa weeye dhulkii Soomaalida. Dadka reer Somaliland-na badankoodu waa dad nadiif ah oo Soomaalida la jecel wanaag, nabad, iyo horumar. Wax kasta oo dhib ah Soomaaliya soo gaarana iyagana wuxuu ku yeelanayaa saamayn. Sidaa awgeed haddii Soomalida dhib soo wajaho, reer Somaliland had iyo jeer hiil iyo hoo bay la garab taagan yihiin oo xataa iyagu oggolaan mayaan in Kenya xoog ku qaadato dhul Soomaaliyeed.

Gabo-gabo

Ugu dambayn, Kenya waxaa dega in ka badan 42 qawmiyadood (major indigenous groups) oo kala duwan, kuwaas oo leh luqado, dhaqamo, diimo, iyo muuqaallo kala duwan. Marka haddii madaxda Kenya ku fakarayaan Soomaali oo hal isir ah, isku luqad ah, isku dhaqan ah, isku diin ah, isu wada eg, baad kala jabin kartaan, miyaysan garan karin cawaaqib xumada iyo bur-burka ka dhalan kara haddii ay dhacdo in qawmiyadahooda khilaaf ama colaad soo kala dhex gasho.

War iyo dhammaanti, Kenya col horti bay siyaasad ahaan u jabtay, waxaana xaqiiqa ah in damaca, sheegashada, iyo dhul ballarsiga Kenya ay waddoo uu durba mideeyay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliya meel ay jooganba. waxaana laga yaabaa in taasi sababto in Kenya Lumiso dhulkii uu hore Ingiriisku ugu wareejiyay oo ilaa iyo hadda ka tirsan Kenya.

Wax Badso Wax Beel Bay Leedahay
Qore: Gooni Alla-Magan