Mandheera (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa saacado kooban u qabatay in ciidamada Jubbaland ee ka baxsaday dagaalkii ay ku Jabeen ee ka dhacay Beledxaawo ay uga baxaan xuduudda Kenya, isla markaana ay aadaan dalkooda Soomaaliya.
Saraakiisha Soomaalida ah ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ee xuduudda ka talaabay ee jooga aagga Mandheera ay ku wargeliyeen in 24 saac ay uga baxaan deegaanka.
Ciidamada Jubbaland ee saacadaha kooban loo qabtay ayaa maalmo ka hor ku jabay dagaalkii ay ciidamada dowladda federaalka kula galeen degmada Beledxaawo oo lagala wareegay, halkaas oo ay uga carareen dhaawacyadooda.
Ciidamadaas oo wax gurmad ah ka waayey Axmed Madoobe oo markii hore dagaalka geliyey ayaa u baxsaday dhanka xuduud-beenaadka Kenya, waxayna isku dhiibeen ismaamulka Mandheera.
Cadaadis ay Kenya kala kulantay dowladda federaalka ayaa la sheegay inuu sababay in ciidanka Jubbaland ay dul dhigaan amarkaan, lamana oga halka ay ku dambey doonaan ciidankaas.
Hadii Dowladda Kenya, ay ku adkeysato in ciidamadaas ay ka baxaan dalkeeda quburrada ammaanka waxay saadaalinayaan in ciidankaas ay u furan tahay oo kaliya inay isku dhiibaan ciidanka dowladda federaalka ee qabsaday Beledxaawo.
Dowladda Soomaaliya, ayaa huray u cadeysay in ciidankaas ay kuweeda ku dareyso oo xuquuq siineyso hadii ay isku soo dhiibaan, waxaana xusid mudan in ciidankii isku dhiibay ay bishaan helayaan mushaar uga imaanaya dowladda, sida uu xaqiijiyey Cabdirashiid Janan oo ugu sareeya saraakiisha ay dowladdu Gedo u dirtay.
Dhinaca kale, Saraakiisha Dolwadda Itoobiya ee Doolow ku sugan ayaa Cabdirashiid Janan iyo Ciidanka DF ee ku sugan Beledxaawo ka dalbaday in seddax maalmood ay uga baxaan magaaladaas, taasi oo gefweyn ku ah dowladnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli wax war ah ka soo saarin amarka ay bixiyeen saraakiisha Itoobiya ee Gedo ku sugan, gobolka Gedo ayaa dhexda uga jira loolan adag oo xilli kasta isku bedeli kara gacan ka hadal.

