Kenya oo baareyso sababta ridday diyaarad ay leeyihiin ciidanka ka jooga Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Sida ay daabacday warbaahinta gudaha dalka Kenya, Xukuumadda Nairobi ayaa guddi u xilsaartay in ay kasoo salgaaraan diyaarad military gaar ahaan nuuca qumaatiga u kaca oo u adeegi jirtay Militariga ka jooga Soomaaliya.

Diyaaradda ayaa soo dhacday Isniintii shalay, waxaana ku geeriyootay labo ruux oo ahaa Duulliye iyo caawiyihiisa oo xiligaas ku guda jiray mid kamid ah safarada loo qorsheeyay in ay sameeyaan.

Nuuca diyaaradda waa hughes 500M, waxa ay si gaar ah ugu diiwaangashaneed Waaxda difaaca Kenya oo xamuul ahaan agabka ciidamada u qaadi jirtay, halka mararka qaar lagu daad-gureyn jiray Askarta.

Kenya ma sheegin sababta keentay in ay dhacdo diyaaraddaan oo burburtay, balse Warbaahinta Maxaliga ah ayaa warisay in ay kusoo dhacday deegaanka Kithyoko ismaamulka Machakos ee dalka Kenya.

Karanja Muiruri oo kamid ah saraakiisha ciidamadda ee ku sugan Machako ayaa sheegay in ay arkeen diyaaradda oo dhacday, isla markaana ay ku geeriyoodeen duulliyaashii saarnaa, balse xogta intaas ka badan ma uusan bixin.

Khubaro ka socda Dowladda Kenya ayaa gaaray deegaanka diyaaraddu ay ku dhacday, waxa ay bilaabeen baaris ay uga daba-tagayaan xaqiiqada sababta keentay in ay dhacdo diyaaraddaan oo kamid ah diyaarado Kenya dhawaan heshay si ay ugu adeegsato la dagaalanka waxa loogu yeeray Argagixisada.