Ma kasii darayaa amniga magaalada MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalada amni ee magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid kasoo dareysa muddooyinkan dambe, xili ay labo toddobaad gudaheeda ay magaalada ka dhaceen qaraxyo xoogan, halka kuwo miino oo toban ku dhow lala beegsaday ciidamo kala duwan.

Magaalada Muqdisho oo bilihii hore u muuqatay mid ka nasatay qaraxyada argagixisada ayaa bishan marti-gelisay qaraxyo dhowr ah, iyada oo qaarkood mas’uuliyiin ka tirsan dowladda lala beegsaday, kaasi oo u dambeeyay midkii maanta lala eegtay Jeneraal Odowaa.

Amni darada Muqdisho ee kasii dareysa ayaa sabab u ah habacsanaan dhanka Ciidamada ah, sida ay rumeysan-yihiin khubaro arrimaha amaanka.

Feejignaantii ciidamada ayaa gebi ahaanba hoos u dhacday muddooyinkii dambe, iyada oo ciidamada qaarkood aaminsan-yihiin in xiligan ay adag tahay in qaraxyo loo soo gudbiyo magaalada Muqdisho, maadama ay qaraxyadu hoos u dhaceen bilihii hore.

Kooxaha argagixisada ayaa iyagu laftigoodu fursad u arka habacsanaanta ciidan iyo hoos u dhaca ku yimid la dagaalanka ka dhanka ah, midaasi oo u fududeysay inay qaraxyo ka fuliyaan gudaha magaalada.

Khubarada amaanka ayaa sidoo kale rumeysan in wada-shaqeyn aan shaacsaneyn ay ka dhaxeyso kooxaha argagixisada iyo dhinacyo kale oo u fududeeya soo galinta qaraxyadaasi, wallow aan si rasmi ah loo sheegi karin.

Amaanka Muqdisho ayaa u muuqda mid kasii daraya muddooyinkan dambe, iyada oo dilal qorsheysana ay ka dhacaan magaalada, kuwaasi oo lagu bartilmaamedsanayo dad kala duwan.