War-murtiyeedka SHIRKA madax goboleedyada oo ka dhigan hal arrin oo weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu soo gaba-gabeeyay shir u socday madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo diirada lagu saarayey arrimo ay kamid tahay doorashooyinka dalka.

Shirkaasi ayaa laga soo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ah, kuwaasi oo si cad loogu sheegay in marnaba la aqbaleyn muddo kordhin, isla markaana xiligeeda lagu qabto doorashada.

Mursal Saney oo ka tirsan Machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa ka hadlay waxa uu ka dhigan yahay war-murtiyeedkaasi iyo waxa uu ka badali karo jahwareerka siyaasadeed.

Saney ayaa ugu horeyntii war-murtiyeedkaasi soo dhaweeyay, isagoona ku tilmaamay mid yimid xiligii loo baahna, maadama uu si gaar ah u abaarayo arrinta doorashada oo xiligan taagan.

Waxa kale oo uu sheegay in go’aan bogaadin leh ay tahay in madaxda maamuladu si wada-jir ah usoo jeediyaan in doorashada waqtigeeda la qabto, taasi oo looga baaqsanayo qalaalase siyaasada iyo xad-gudub dastuur, sida uu horeba u sheegay Ra’iisal wasaare Kheyre.

Saney ayaa xusay in go’aanka madax goboleedyada uu ka dhiggan yahay xiligan aysan dhici karin doorasho ‘qof iyo cod ah’, midaasi oo qeyb ka aheyd war-murtiyeedkii madaxda maamuladu oo iyagu sheegay in loo baahan-yahay in hanaan kale laga wada-tashado.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xiligan ay madaxda dowladda federaalka la gudboontahay inay aqbalaan dalabka madaxda maamulada ee ku aadan qabsoomida doorashada, iyada oo laga qeyb galinayo Aqalka sarre ee Baarlamaanka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxda maamulada dalka ayaa ku biiray cadaadiska xoogan ee madaxda dowladda lagu saarayo in xiligeeda ku qabsoomto doorashada, iyada oo laga baaqsanayo waxkasta oo keeni kara muddo kordhin.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Dhuusamareeb ayaa sidoo kale u muuqda mid muujinaya isku soo dhawaanshaha madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo kuwa maamulada, xili muddooyinkii dambe ay ka dhex aloosneyd xiisad culus.