Xog: Farmaajo iyo Kheyre oo aqbalay dalabkii ka yimid madaxda D/Goboleedyada

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaya iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay aqbaleen ka qeyb-galka wajiga labaad ee shirka madaxda dowlad goboleedyada uga socda magaalada Dhuusamareeb.

Xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in labada masuul ee ugu sareysa dalka ay aqbaleen dalabkii ugu yimid madaxda dowlad goboleedyada ee ahaa inay kasoo qeyb galaan shirka, si looga wada wadatashado arrimo ay ugu horeyso doorashada dalka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa in berri uu gaaro magaalada Dhuusamareeb, si shirka ka socda uu ugu biiro, waxayna wararku intaas ku darayaan in madaxweynuhuna uu ku wajahanyahay Dhuusamareeb, balse uu ka dambeyn doono Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen wajigii koowaad ee shirka uga socda Dhuusamareeb waxay madaxda dowladda federaalka uga dalbadeen inay kasoo qeyb-galaan wajiga labaad ee shirka, si looga wadatashado arrimaha masiiriga u ah dalka.

Warka ka soo baxay shirka madaxda dowlad goboleedyada waxaa soo dhaweeyey guddoomiyaha Aqalka Sare iyo qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka, iyadoo xisbiyada qaarna ay madaxda dowladda federaalka ugu baaqeen inay ka qeyb galaan wajiga labaad ee shirka ka socda Dhuusamareeb.