Xarunta dambi baarista CID oo dib u shaqo billowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta howlaheedii shaqo dib u bilowday xarunta hay’adda dambi baarista CID ee Booliska Soomaaliyeed oo muddooyinkii la soo dhaafay xirneyd, sababo la xiriira xakameynta cudurka saf-mareenka ee Coronavirus.

Hoggaanka baarista dambiyada ee CID ayaa sheegay inay maanta oo Talaado ah ay dib u bilaabeen adeegyada ay u qaban jireen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bixinta warqadda dambi la’aanta.

Sidoo kale hoggaanka ayaa shaaciyey inay diyaariyeen hab-raacyo cusub oo lagu xakameynayo cudurka Covid-19, maadaama uu weli ka jiro dalka.

Qoraal ogeysiis ah oo ka soo baxay hoggaanka CID ayaa sidoo kale looga dalbaday dadka Soomaaliyeed ee tagaya xarunta inay dhowraan hab-raacyada loo diyaariyey.

“Hadaba, waxaan ummaddeena sharafta leh ogeysiinaynaa inay nala dhowraan hab-raacyada loo diyaarshay, si,aan uwada ilaalino Badqabka, Xakameynta, Amniga iyo Nadaafada guud, iyada oo laga Soo gelidoono irida gadaale.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hay’adda CID ayaa sidoo kale ugu baaqday dadka tegaya xarunta inay soo qaataan af-xirka (Mask), sidoo kalena ay joojiyaan dadka kale ee ay horey u soo wadanayaan.

Ugu dambeyn qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in maalintii la qabanayo 50%, halka tiradii hore loo qaban jiray ay aheyd 150 qofood maalintii.

Dhowaan dowladda Somalia ayaa qaatay tallaabooyin lagu yareynayo xiyaaradihii ay horeyn u soo rogtay, iyadoo dib u fasaxday duulimaadyada gudaha, inkastoo ay weli hakad ku jiraan kuwa caalimaga ah, sidoo kalena ay xiran yihiin goobaha waxbarashada.