Xog: Xiliga ay dib u bilaaban doonaan wada-hadallada DF iyo Somaliland ee Jabuuti

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan baaqday kulamadii lagu sii ambo-qaadayey wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee lagu balansanaa inay ka furmaan dalka Jabuuti.

Kulamadaasi oo ay ku balansanaayen Guddiyada farsamo ee labada dhinac inay dalka Jabuuti uga furmaan todobaadkii hore bilowgiisa si loogu sii ambo-qaado wada-hadallada labada dhinac ayaa gebi ahaanba qabsoomin.

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa tibaaxeysa in furitaanka wada-hadalladaasi ay dib u dhaceen muddo todobaad ah, isla markaana ay dib u bilaaban doonan todobaadyada soo socda.

Dib u dhaca ku yimid kulamada wada-hadallada ayaa la rumeysan yahay inay horseed u yihiin xiriirada diblumaasiyadeed ee Somaliland ku baadi-goobeyso aqoonsiga iyo xiisada siyaasadeed ee kala dhaxeysa dowladda federaalka oo mar kale soo labo kacleysay.

Somaliland iyo Soomaaliya ayaa hore u kala saxiixday heshiis hordhac ah, inkasta oo uu u muuqday mid aan wax badan ka duwaneyn kuwii dowladihii hore, balse majiro ilaa hadda qodobo si rasmi ah uga fulay oo aan aheyn ‘isku socodka dadka’.

Xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Somaliland ayaa gebi ahaanba meesha ka saartay kulankii maalinta sabtida ee todobaadkii hore, inkasta oo dib looga balamay, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha dibedda Somaliland.