Xarunta golaha wakiilada maamulka Puntland oo hal sabab darteed loo iibinayo

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay ansixiyeen in la iibiyo xarunta ay hadda ku shaqeeyeen oo ku taalla bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Wararka ayaa sheegaya in arrintaasi ay ka dambeysay, kadib soo jeedin ka timid guddoonka baarlamaanka Puntland, kadibna la horgeeyey xildhibaanada oo meel-mariyey.

Guddoonka golaha wakiilada Puntland ayaa kulankii shalay u gudbiyay qoraal codsi ah oo ku aaddan in la iibiyo xarunta Baarlamanka, isaga oo sababta ku sheegay arrimo amni, maadaama ay haatan xarunta ku dhex-taallo xaafado ay dagan yihiin shacab.

Kulanka oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa u codeeyey in xarunta baarlamaanka la xaraasho illaa 31 mudane oo ka mid ahaa 41 xildhibaan oo soo xaadiray fadhigii shalay oo Isniin aheyd, waxaa diiday 6 mudane, halka ay ka aamuseen 4 xildhibaan oo kale.

Illaa iyo hadda guddoonku ma shaacin halka laga dhisi doono xarunta cusub ee baarlamaanka Puntland, maadaama ay ansixiyeen in la iibiyo xaruntooda.

Si kastaba ha’ahaatee baarlamaanka Puntland ayaa muddo fog ku shaqeynayey xarunta uu haatan degan yahay oo ka soo horjeedo xaruntii hore ee madaxtooyada.