KENYA oo billowday ‘inay hubeyso’ qaar ka mid ah beelaha Jubaland + Sababta

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo, Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyay inay hubeynayso beelaha Jubaland qaarkood, si ay dhexdooda isugu dhibaateeyaan.

“Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago dal iyo dibadba Kenya inay dhibaateyntii halkeedii ka sii waddo 6-dii iyo 7-dii bisha xalay illaa habeen hore inay cimiladii hore cimilo ka fool xun ay howshaa gashay,” ayuu yiri Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta.

Afhayeenka ayaa yiri “Degmada Afmadow iyo deegaano hoos-tagga sida Diif, Dhoobley, Cali Buleey iyo meelo kale in hub loogu qaybiyay maleeshiyo beeleed iyo in la weerarayo dadkii reer miyiga ahaa deegaanadoodii iyo xoolahoodii, kuwana la leeyahay reer hebel baan rabnaa inaan barakicno oo xoolaha ka dhacno ee fogaada, oo dadkii walaalaha ahaa ee is dhalay, isla dhashay, isna dhex degenaa qaarna ay Gobolka NFD, Ismaamulka Garissa illaa Libooya u guurayaan oo gudaha u qaxayaan, kuwana la boobayo xoolahoodii iyo nafsadoodii oo la weerarayo.”

Waxaa uu sheegay in goobaha dadka lagu weerarayo ay ka mid yihiin deegaanada Cali Buleey, Dhayac-garoon, Rasho, Cali Yaquub, Toosileey iyo Harro Cali, oo ka kala tirsan Gobolada Jubada Hoose iyo Gedo.

“Meelaha dadka lagu weeraray waxaa ka mid ah Cali Buleey oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose, una dhow deegaanka Dhoobley, Dhayac-garoon oo hoos-tagta deegaanka Gariley ee Gobolka Gedo, waxaa ka mid ah Rasho iyo Cali Yaquub, baldoosyada la yiraahdo ee geelashu cabi jireen, waxaa kaloo ka mid ah Toosileey iyo Harro Cali,” ayuu yiri Aadan Rufle.

Waxa kaloo uu yiri “Maleeshiyaad taabacsan Axmed Madoobe iyo dembiileyaal kale oo ay ka mid yihiin kuwii argagixisada, si ay ayaga u sii jariiqaan in ayaga qabiil qabiil leeskugu diro, la kala qaxiyo oo hub iyo qalab la’isugu dhiibo ayay mareysaa.”

Aadan Rufle ayaa Odayaasha Dhaqanka ee deegaanada Jubaland ugu baaqay inay u istaagaan wax ka qabashada xaaladda uu sheegay inay ku soo korortay Jubooyinka iyo Gedo.

“Isimada Dhaqanka waxaan leeyahay wixii la idiin doortay waa maslaxad iyo nabad, dagaalkuna meel xun oo fool xun buu gelayaa, haddii geela la kala dhaco, oo dadka reer miyiga la barakiciyo, dowladana ay daba taagan yihiin oo niman dembiileyaal ah ay doonayaan magac qabiil inay ku jariiq dheeraadaan ama dadka ku barakiciyaan. Waxaan leeyahay Odayaasha Dhaqanka ee saddexda gobol kaca oo duubkiina iyo cimaamadiina qaata, dadka walaalaha ee cadowgu isu adeegsanayo inaad kala badbaadisaan baan idinka codsanaya,” ayuu yiri Aadan Rufle.