Nairobi (Caasimada online) 15 Sarkaal oo ka tirsan Saraakiisha Waaxda Socdaalka ee dalka Kenya, ayaa shaqadii laga ceyriyay kadib markii lagu helay Dambiyo lagu soo oogay , sida ay xaqiijisay dowlada dalkaas.
Dambiyada Saraakiishan lagu helay waxaa ka mid ah inay dad Ajaaniib ah ka iibiyeen waraaqaha sharciga aqoonsiga iyo basaboorka dalkaas, waxaana sida dowladu ay sheegtay Ragaasi loo arkay inay Dhibaato ku yihiin dalkaas.
Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka Kenya, ayaa sheegay in Saraakiishaas lagu badali doono saraakiil kale oo Cusub si howsha ay halkeeda uga sii wadaan, kadib hadal uu jeedayay Shalay oo Jimco aheyd
Wasiirka ayaa cadeeyay in raga ay shaqada ka eryeen ay ku jiraan saraakiil sar sare, iyo sidoo kale kuwo Dhexe, waxaana uu si cad u sheegay in ragaas ay yihiin Dambiilayaal , sidaasi darteedna maxkamad lala tiigsan doono.
“Raggan Cusub ee aan Xilkan ku aaminay waxay noqon doonaan kuwo ka fog ee xasho iyo Musuq Maasuq, Dambigii Saraakiishii horana maaha mid la isaga harayo waa in qofkii qalad galaa uu Ciiqaabtiisa u helaa ” ayuu yiy Joseph Ole Lenku
Wasiirka arimaha gudaha dalka Kenya wuxuu sheegay in Kenya ay dib u eegis iyo Baaritaano ku sameyn doonto Sharciyadii iyo Baasabooradii la biyay Labadii sano ee ugu dambeysay si loo ogaado Dadka xaqa u leh adeegsiga Sharciga kenya Sida uu wasiirku sheego
“Madaxda Dowladda Kenya, waxay doonayaan in ay adkeeyaan sida lagu heli karo Sharciyada dalkaasi, si ay meesha uga baxdo khatarta ka dhanka ah ee amniga dalkeena” ayuu hadalkiisa sii raaciyay .
Hadalka wuxuu imaanaya xilli la aaminsan yahay in qaar ka mid ah ragii fuliyay weerarkii Westgate ay heesteen Sharciga dal ku jooga Kenya.
Caasimada online
Xafiiska Nairobi