Soomaalida oo ka xumaatay hadal xun oo ka soo yeeray Kenya (Muxuu ahaa)

Nairobi (Caasimada Online) Qoxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha gobalka waqooyi berri ee dalka Kneya, ayaa ka walwalsan hadal ka soo yeeray wasaaradda arrimaha gudaha Kenya, kuwaasoo amray in qoxootiga lagu celiyo dalkooda.

Qaar ka mid ah dadkaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad uga xumaadeen hadalka ka yeeray wasiirka arrimaha gudaha Kenya.

Xeryaha qoxootiga Kenya waxa ay hooy u tahay Nus Malyuun qof oo u badan Soomaali kuwaasoo ka soo cararay dagaallo ka dhacay dalkooda 22-kii sanno ee la soo dhaafay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dul qaadkii uu ku dhammaaday maadama qaraxyada ka dhaca Kenya laga soo abaabulo xeryaha qoxootiga Kenya.

Kenya ayaa sheegtay in la bilaabayo siddii qoxootiga loogu celin lahaa dalkooda, maadama xagga ammaanka uu soo hagaagay.

Qaar badan oo ah dadka qoxootiga ayaa ku dhashay xeryaha qoxootiga Kenya oo ah kuwa ugu waaweyn caalamka ee martigaliyay qoxooti badan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com