Wafti ka socda QM oo soo tagay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa goordhow soo gaaray wafdi ka socda Qaramada Midoobay.

Wafdigan oo uu hoggaaminaayo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Jan Alison, ayaa waxaa hadda ay kulamo kula lee yihiin xarunta  Villa Somalia madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda dowladda.

Si dhab ah looma oga qorshaya ay u yimaadeen wafdiga ka socda Qaramada Midoobay balse waxaa  lee yahay waxa ay qiimeen doonan baahida ciidamada AMISOM oo dhawaan la dalbaday in lagu soo daro tirada hadda joogta ilaa lix kun oo askari.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho maalintii labaad ku sugan wafdi ka socda golaha ammaanka Midowga Afrika kuwaasoo shaley soo gaaray magaalada.

Wixii ku soo kordha kala soco Caasimada Online