Kenya oo ciidamo boolis ah u diyaarisay amniga Nairobi inta lagu jiro soonka

Nairobi-(Caasimadda Online) – Taliska Ciidamada Booliiska Dowladda Kenya ayaa xalay Shaaciyay in Ciidamo  gaar ah loo diyaariyay amaanka magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya maalmaha Bisha Ramadaan kadib cabsi ay muujiyeen hay’adaha amaanka Kenya.

Taliska Booliiska ayaa sheegay in Ciidan gaaraya 2,000 oo Askari ay u xil saareen sugida amniga Nairobi oo ay ku nool-yihiin dadka ka soo jeedo wadamo kale Duwan kadib markii ay Hay’adaha amaanka soo saareen walaac ah iney jiraan qorshayaal Argigixiso oo Bisha ramadaan lala damacsan yahay Kenya.

Ciidankaan ayaa la sheegay in ay tagi doonaan Waddooyinka Magaalada,Hoteellada,Suuqyada waaweyn,Goobaha laga raaco gaadiidka,Goobaha waxbarashada iyo meelaha kale ee muhiimka ah.

Taliyaha Booliska Nairobi,Joseph Ole Tito,ayaa sheegay in Ciidamadan ay isugu jiraan kuwo xiran dharka Booliska iyo kuwo dharcad ah.

Waxa uu intaas ku daray in Ciidamadaan loo diyaariyay ka hortagga falalka argagixisada la xiriira inta lagu jiro Bisha Ramadaan,amniga magaaladana ay iyaga mas’uuul ka yihiin.

Joseph Ole Tito,ayaa yiri: “dhaqanka argagixisada waxaa ka mid ah marka ay imaadaan waxaa ay raadinayaan marka hore meel ay degaan,waxaa ay tagayaan Hoteel,iyaga oo iska dhigaya dad wanaagsan,sidaas ayeyna qorshahooda ku fulinayaan”.

ugu danbayntii Taliyaha Booliska magaaladda Nairobi ayaa ugu baaqay milkiilayaasha Hoteellada iyo goobaha kale ee muhiimka ah in ay diiwaangeliyeen dadka tagaya islamarkaana kireysanaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com