Xildhibaan ka tirsan BF oo lagu dhex garaacay Nairobi lana dhigay isbital

Nairobi (Caasimada Online)-Ciidamada dalka Kenya ayaa lasoo sheegayaa inay jir dil xoogan u geysteen Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo ka tirsan BFS, lana dhashay allaha u naxariistee Wasiirkii la dilay ee  Cabaas Sheekh Maxamuud Siraaji.

Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji, ayaa la xaqiijiyay in iminka la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana laga jir dilay qeybaha sare ee jirka, sida laga soo xigtay mid kamid ah qoyska uu kasoo jeedo.

Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo hadda jiifa Isbitaal ku yaalla Nairobi, ayaa waxaa si gaara u jir dilay ciidamada Booliska kuwaa oo ku andacooday inay ka shakiyeen gaari uu saarnaa Xildhibaanka oo u muuqaal ekaa mid lasoo xaday.

Qaar kamid ah Saraakiisha Booliska ee loo aaneynaayo inay goobjoog ka ahaayen Kiiska ayaa sheegay in xiliga ay Jir dilayeen Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji ay ku guda jireen baadi-Goobka Gaari la xaday.

Qorshaha ciidamada Booliska Kenya ayaa la sheegay inuu ahaa inay toogtaan Xildhibaanka iyo dadkii kale ee la socday, hase ahaatee uu ka badbaadiyay kadib markii saaxiibkii uu kusoo dajiyay Xaafadda Westland ee magaalladda Nairobi.

Gaariga uu la socday Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji ayaa noociisa ahaa ‘’toyota rav4’’, mana kala cadda sababta ay Boliska Kenya u beegsadeen.

Sidoo kale, Gaariga ay baadi-Goobayeen ciidamada Kenya ayaa noociisa ahaa ‘’toyota lexus’’ oo loo sheegay in laga soo xaday Kiambu.

Docda kale, Dowlada Somalia iyo Safaarada Somalia ee Kenya ayaan weli ka hadal dhibaatada loo geystay Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraajioo hadda yaal Isbitaal ku yaalla Nairobi.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com