Jeneral Gorod oo soo saaray baaq lagu xirayo mas’uuliyiin

Muqdisho (Caasimada Online)-Gen. Cabduweli Jaamac Gorod Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si kulul uga hadlay qashinka tuban qeybo kamid ah Xaafadaha iyo Waddooyinka magaalada Muqdisho.

Gen. Cabduweli Jaamac Gorod , ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay bilicdeeda qarisay wasaq badan oo u muuqata inay ka dhalatay nadaafad daro iyo inaanu jirin is xilqaam.

Gen. Cabduweli Jaamac Gorod , waxa uu tilmaamay in magaalada Muqdisho aysan iska xilsaarin shaqsiyaadka ku magacaban, waxa uuna cadeeyay in qashinka uu qeyb ka yahay amni darada ka jirta magaalada Muqdisho.

‘’Waxaan la socnaa in goobaha uu qashinku ku badan yahay lagu aaso miinooyin, sidaa aawgeed waxaanu dooneynaa in lagala xisaabtamo dadka ku shaqada leh’’

Gen. Cabduweli Jaamac Gorod, waxa uu soo jeediyay in Degmadii lagu arkaa qashin badan loo xiraa Guddoomiyaha ka mas’uulka ah, maadaama uu dayacay mas’uuliyadii saarneyd.

“Waxaad arkeysaa qashin iyo biyo dhex yaallo magalada gudaheeda,waxana mas’uul ka ah gudoomiyaasha,taasi waxay tahay waa in la xiraa guddoomiyihii qashin lagu arkaa degmadiisa’’

Sidoo kale, Gen. Cabduweli Jaamac Gorod , waxa uu ku baaqay in maamulka Gobolka Banaadir qudhiisa lagula xisaabtamo bilicda magaalada waxa uuna cadeeyay inaanu jirin mas’uuliyad u muuqata.

Si kastaba ha ahaatee, haddalka Gen,Cabduweli Jaamac Good ayaa imaanaya xili laamiyada waaweyn iyo kuwa yaryar ee magaalada Muqdisho ay dhex tuban yihiin wasaq, halka qaarna ay yihiin kuwo aan laheyn leyrar.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com