Kenya oo dacwad la xiriirta muranka badda Somalia ka gudbineysa Norway iyo UK

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in muranka dhinaca badda ah ee kala dhexeeya Soomaaliya ay hurinayaan Waddamada Norway iyo UK, sidaas darteedna ay gudbin doonto dacwad iyaga ka dhan ah gudbineyso.

Sida uu qoray wargeyska Daily Nation, afhayeenka Xukuumadda Kenya Cyrus Oguna, ayaa sheegay in waxa ugu wanaagsan ee xal lagu gaari karo uu yahay wadahadal dhex mara labada dhinac ee is heysta.

Peter Kagwanja, oo ah Khabiir Kenyaan ah islamarkaana falanqeeya siyaasadda ayaa sheegay in Kenya dacwaddeeda badda ay ahayd hal heer halka Soomaaliya ay gudbisay dacwad dhan 10 heer oo tiiba ka kooban tahay 250 bog, iyada oo gacan ka halaysa dalalka reer galbeedka.

Kagwanja ayaa dalalka reer galbeedka ku eedeeyay in Soomaaliya ay maaliyad iyo talo ahaan ka gacan siinayaan muranka dhinaca badda ee kala dhaxeeya Kenya, ayaga oo eeganaya dantooda shidaalka Soomaaliya.

Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Kenya ayuu wargeyska Daily Nation ka soo xigtay iyaga oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isal wasaare Xasan Cali Kheyre ku eedeynaya in ay xiriir la leeyihiin sharikado shidaal baaris oo ay leeyihiin Norway, Canada iyo Sweden, sidoo kalena ay taageero farsamo ka helayaan dalalkooda.

Kenya ayaa soo jeedisay in muranka labada dal lagu xalliyo kulan dhexmara wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal, laakiin kulamo ay horay u yeesheen oo aysan waxba ka soo bixin ayaa rajo xumo gelinaya mira dhalka kulan kale.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com