29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Askari ka tirsanaa ciidanka S/LAND oo dhagax lagu dilay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdheer ayaa waxay sheegayaan in Hal askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland uu ku naf waayey iska hor imaad ku dhex maray deegaanka Fiqi Ayuub Dad shacab ah iyo Ciidamada Amniga.

Sida aanu ku helayno Wararka hordhaca ah, Dad Shacab ah oo gadoodsanaa ayey ciidamada Amnigu isku dayeen inay kala dareeriyaan, taasi oo sababtay inay shacabku tuuryeeyan Ciidamada, oo dhagaxaasina uu sababsaday geerida Hal Askari.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Keyse Maxamed Cawaale, waxaana lagu dilay dhagax, sida ay Caasimada u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa dhacdadaasi lagu dhaawacay labo Askari oo la socotay sarkaalka la dilay.

Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababta ay shacabku ka gadoodeen, balse waxa soo baxaya warar sheegaya in maalmihii u dambeeyay ay deegaankaasi ka socdeen dhaq-dhaqaaqyo lagaga baarayo Macdan, taasi oo si weyn uga caarooden dadweynaha dhulkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegay in kooxo heybtooda aan la garan ay fuliyeen dilkaasi, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Somaliland oo ku aadan dhacdadaasi oo la yaab ku noqotay dadka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News