Sucuudiga oo shaaciyey war kasii daraya xiisada dagaal ee kala dhaxeysa IRAN

Riyadh (Caasimadda Online) – Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku eedeesay dowladda Iran weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday maraakiib shidaal oo marayay gacanka Cumaan.

Dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Mohamed Bin Salman ayaa sheegay mar uu wareysi siinayay wargayska Sharqul-Awsat in wadankiisa uusan kalaba labeenayn in masuuliyada weerarkaasi ay leedahay Iran.

Khamiistii ayay ahayd markii laweeraray labo markab oo ku sugnaa gacanka Cumaan iyadoona weerarkaasi uu kusoo beegmay bil kadib markii laweeraray afar markab oo ku sugnaa biyaha Imaaraatka Carabta.

Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa goor sii horeesay weerarkaasi ku eedeesay Iran inkastoo Iran dhankeeda ay dafirtay in wax lug ah ay ku laheed weerarkii kadhacay gacanka Cumaan.

Mohamed Bin Salman dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga ayaa sidookale ku sheegay in Iran ay ku fashilantay in ay xushmeeso Ra’iisul Wasaaraha Japan oo Tehran ujoogay wadaxaajood xiligii uu dhacayay weerarka.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com