Kenya oo dad horleh usoo qab-qabatay afduubkii loo geystay Xafsa Maxamed

Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa soo bandhigay sawirrada iyo magacyada laba ruux oo ay sheegeen in laga qabo tuhunka ugu badan ee ah in ay ka dambeeyeen afduubkii dhowaan loo geystay gabar Soomaali ah oo ku nool Nairobi.

Laanta dambi baarista Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo DCI ayaa barteeda Internet-ka ku faafisay in ciidamada ammaanka ay saaka gacanta kusoo dhigeen Jackson Njogu oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 jir ah, kuwaas oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen afduubkii Xafsa Maxamed Luqmaan oo aheyd gabar Soomaaliyeed oo sidoo kale ganacsato ah.

DCI waxay sheegtay in labadan ruux ay gacanta ku soo dhigeen, kadib howl-gal gaar ah oo subaxnimadii hore ee maanta ay sameeyeen ciidamada sirdoonka dowladda Kenya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in labada ruux ee ay soo qabteen ciidamada amniga  iyaga oo ku sugan deegaanka Kinangop oo ay ka iibsadeen goob maqaaxi ah.

“Kaddib markii ay falka dambiga ah geysteen, (Jackson iyo Xafsa Cabdi) waxay u baxsadeen Kinangop waxayna iibsadeen maqaaxi, halkaas oo ay ka howl-geli jireen,” ayaa lagu yiri qoraal ay barta Twitter-ka soo dhigtay waaxda dambi-baarista ee dowladda Kenya.

Sirdoonka Kenya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in cid waliba ay uga digayaan afduubka, qof walba oo falkaasi lagu helana la ciqaabi doono.

Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa 15-kii bishan June lagu afduubtay gudaha magaalada Nairobi, waxaana ugu dambeyn Booliska ay soo bad-baadiyeen 20-kii bishan, kadib marki guri afduub ahaan loogu heystay oo ku yaalla tuulada Matopeni ee deegaanka Kayole, waxaana ka muuqday dhaawacyo iyo jirdil xoogan ay u geysteen afduubayaasha.

Soomaalida ku dhaqan gudaha dalka Kenya ayaa walaac xoogan ka muujiyey afduubka iyo tacadiyada ay la kulmayaan haweenka Soomaaliyeed ee ku nooql dalkaasi oo sare u kacay.