Kenya oo dib u bilowday dhismaha derbiga ay ka wadaan Beladxaawo

 Beladxaawo (Caasimadda Online) – Magaalada Beladxaawo waxay dhacdaa waqooyiga Gobalka Labaad ee ugu weyn Soomaaliya ee Gedo 18-kii Gobal Dalka, waxay ku taalaa gobal Halbowle iyo laf-dhabar u ah Ganacsiga Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, sidoo kale waxay ku taalaa goob kulmiso Ganacsato ka kala timaada Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Waa magaalo ay usoo ganacsi tagaan dad ku hadla Luqado kala duwan sidoo kale waxaa ku nool Dad dhaqano kala Duwan leh, Ganacsiga magaalada ayaa sare u ka-kacayay sanadihii ugu dambeeyay.

Buula Xaawo saameyn weyn kuma yeelan dagaaladii dalka ka socday waxayna ka mid tahay magaalooyinka Ilbaxnimadooda ay kordhay kana faa’ideestay.

Bulshada ku nool magaalada Belad-xaawo  waxaa la tilmaama in ay yihiin Bulsho ku ad adag dhowridda Hantidoo, Taariikhda Soomaaliya ayaa qortay in Shacabka magaalada hada ka hor ay Gumaystaha Ingiriiska ka diideyn in Belad-xaawo ay ka mid noqoto Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ee uu Gumaystihii Ingiriiska u gacan geliyay Dowladda Kenya.

Magaalada waxay wajaheysaa dhibaatooyin badan oo kaga imaanaya Dowladda Kenya iyo maamul Xumi ka jirta magaalada, milatariga Kenya ayaa wali wada dhismaha darbiga mana dhaqan gelin wadadahalkii Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya.

Shacabka ku nool magaalada Belad-xaawo ayaa KNN u xaqiijiyay in dhismaha wali ka socda Xadduuda Belad-xaawo, Ciidamada ayaa Biraha shubka iyo agabyo kale Gelinaya gododkii ay ka qadeyn Xadduud Beenaadka Gobalka Gedo.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo qariyay magaciisa ayaa KNN uga waramay Xaalada magaalada

Xor maahan dadka ku nool magaalada waxay cadaadis kala kulmayaan Ciidamo ka amar qaata Jubbaland kuwaas oo fariisamo ka sameestay meel u dhaxeysa dhismaha Darbiga iyo Gudaha magaalada si uusan u dhacin Banaanbaxyada shacabka.

Odayaal dhaqan, Dhalinyaro iyo Haween laf dhabar u ahaa Abaabulka banaanbaxyada looga soo hor jeedo Dhismaha Darbiga ay Ciidamda Kenya ka wadaan gobalka ayaa u xiran Ciidamada Jubbaland

Gobalka gedo dhibaatooyinka uga imaanaya Kenya waxaa u fududeenaya dhibaatooyin kale oo gobalka Ka jira, dadkiisa isma raacsana maamulka gobalka Degmooyinka qaar kuma xoogana.

Degmooyinka Luuq, Doolow, iyo Belad-xaawo  maamulkiisa waxay toos uga amar-qaataan Jubbaland halka degmooyinka kale ay ka arimayaan Ciidamo milatari ah oo toos ugu xiran Dowladda dhexe.

Ugu dambeyn Shacabka ku nool magaalada Belad-xaawo ayaa madaxda Dowladda iyo dhamaan Shacabka Soomaalida ka dalbaday in ay ku caawiyaan joojinta ku xadgudubka ay Kenya ka wado degmada Belad-Xaawo.

Shacabka magaalada ayaa Madaxda Dowladda ku dhaliilay hadalada Siyaasadeed iyo go’aanada aan dhaqan gelin ay ka soo saarayaan Xaaladda belad-Xaawo.

Maamulka degmada Belad-xaawo oo aan la xariirnay waqtiyo kala duwan kama jawaabin telephonadooda, Saraakiil ka tirsan degmada oo aan la hadalnay ayaa sheegay in aysan ka hadli Karin waxa dhacaya sababtuna waxay ku sheegeyn in amar lagu siiyay in aysan ka hadlin dhismaha darbiga amarkaas oo ka soo baxay maamulka degmada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com