Kim Jong-un oo qaab lala yaabay u booqday dal aan laga fileyn iyo xogtii ugu dambeysay

Beijing (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Waqooyiga Korea Kim Jong-un ayaa lagu soo waramayaa inuu si lama filaan ah kusoo booqday caasimadda Beijing ee dalka Shiinaha.

Wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya inuu hogaamiyaha North Korea safar lama filaan ah ku yimid Shiinaha.

Warbaahinta Japan ayaa qoreysa in waxa xiisaha u yeelay safarka Kim Jong-un ay tahay inuu tareen ku yimid Beijing, iyadoo ammaanka caasimadda aad loo adkeeyey.

Haddii uu Kim Jong-un yahay shaqsiga saarnaa tareenkaas waxay noqon doontaa safarkiisii ugu horreysay ee uu ku tago dal bannaanka ah tan iyo markii uu xukunka la wareegay sannadkii 2011kii.

Si kastaba ha ahaatee, illaa haatan midkoodna North Korea ama Wasaaradda arrimaha debadda ee China kama aysan hadlin arrinkaan, waxayna sheegeen in aysan xog rasmi ah heynin, markii ay BBC-du xiriir la sameysay.

Ugu dambeyntii, booqasho walba oo uu Mr Kim ku tago Beijing waxay noqon doontaa tallaabo weyn oo uu dhanka horumarka u qaaday. Iyadoo bishii lasoo dhaafay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu aqbalay inuu la kulmo hogaamiyaha Waqooyiga Korea.

Caasimada Online

Xafiiska Beijing

Caasimada@live.com