Kenya oo sheegtay inay dib u dhigtay shir qorshihiisu ahaa in Somalia ay….!

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dib u dhac uu ku yimid shir ay si wada jir ah u qaban lahaayeen iyada iyo dowlada federaalka Somalia kaasoo diirada lagu saari lahaa qaabka ugu haboon qaxootiga Somalia ee ku nool xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab dib loog helin karo dalkooda.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibada iyo ganacsiga caalamiga ah ayaa lagu sheegay in shirkaasi oo lagu madalsanaa bishan August 28-keeda iyo 29-keeda kaaso ka dhici lahaa magaalada Nairobi dib loo dhigay si fursad loo siiyo dowlada Somalia oo haatan wado la tashiyo iyo baarandagis.

Shirkaasi ayaa sidoo kale qayb ka noqon doono hey’adaha gargaar iyo dalalka caawiyo Somalia.

“Waxa sidoo kale la sheegay in shirka uu ku soo beegmaya shirkale oo looga hadlayo kaabayaasha dhaqaalaha kaasoo ka dhicacay magaalada Mombasa August 27-28” warka qoraaka ayaa intaasi ku daray.

Kenya ayaa sheegtay in shirkaasi ay iyadu soo agaasintay islamarkaana ay ka qayb gali doonaan Hey’ada Qaxootiga UNHCR iyo hey’ado kale.

Ula jeedka shirka ayaa ah in looga shaqeeyo qaababka, qiimaha iyo waqtiga ugu haboon ay qaxootiga Somalia ay dalkooda dib ugu laaban karaan, sida ay sheegtay wasaarada arimaha dibada ee dalkaasi.

Nus milyuun qof oo Somalia qaxooti ah ayaa ku nool dalka Kenya iyadoo tirada dadka ay sii kordhayaan sababo la xeriira colaadaha iyo abaaraha.

Dowlada Kenya ayaa dhawaan ku dhawaajisay in 80,000 qof dad ka badan oo Somali ah ay dalkooda ku laabteen bartamihi bishan.

Lama sheegin xilliga la qabano shirkaan oo dowlada Somalia ay sheegtay in uu leeyahay mudnaan gaar ah.

Isha: Hadaf News Network