KENYA oo dib u fasaxday duulimaadyada Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay dib u fasaxday duulimaadyada Soomaaliya, kadib xayiraad ay muddo saartay, taas oo uga sii dartay xiriirka ximaaday ee u dhexeeya wadamada dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in maanta wixii ka dambeeyey dib loo fasaxay duulimaadyadii ka imaan jiray Soomaaliya, kuwa ka imaanayey dhinaca dalka Kenya, gaar ahaan Nairobi.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay tallaabadan ay horseedeyso in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal oo leh iskaashi ganacsi iyo mid daris wadaag ah intaba.

Warqaddan ayaa waxaa lagu sheegay in kaliya dadka safraya laga doonayo inay wataan shahaadada cadeyneysa in aysan qabin cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Xayiraadda ay Kenya horey usoo rogtay oo loo sababeeyey khilaafka labada dal ayaa saameyn ku yeeshay duulimaadyada labada dhinac ee Muqdisho iyo Nairobi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda federaalka oo ku aadan go’aanka ay Kenya dib ugu fasaxday duulimaadyada Soomaaliya.

Si kastaba labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii dambe xiriirkoodu aad u hooseeyey, iyaga oo kala rartay safaaradaha, waxaana arrintu ay ka sii dartay markii uu soo shaac-baxay kiiska badda ee haatan horyaalla maxkamadda ICJ.