Ceelwaaq (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashau duqeymo culus oo ay xalay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.
Duqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in si gaar ah loogu garaacay aagga magaalada Ceelwaaq, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada difaaca dowladda Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in meelaha la duqeeyay ay kamid yihiin deegaanada kala ah Khadiijo Xaaji iyo Faxfax-dhuun oo dhammaan hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in duqeyntan ay waxyeelo ugu badan ka soo gaartay dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaas oo muddo dheer ka cabanayay duqeymaha diyaaradaha dagaalka Kenya.
Goobaha la duqeeyay sidoo kale waxaa ku sugan xubnaha Al-Shabaab oo inta badan weeraro culus kasoo abaabulo halkaasi, isla-markaana beegsada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa dalka Kenya.
Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda dowladda Kenya iyo maamulka gobolka Gedo oo ku aadan duqeynta ja dhacday aagga Ceelwaaq.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gudaha gobolka Gedo.
Kenya ayaa qayb ka ah dagaalka lagu jiro kooxda Al-Shabaab oo sidoo kale weeraro culus ka fulisa gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.