Marrakesh (Caasimada Online) – In kabadan 600 ayaa dhimatay, kadib dhul gariir xoogan oo ku dhuftay Marooko, sida uu sheegay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi
Waxaan hadda xaqiijinnay in 632 qof ay dhinteen 329 kalena ay dhaawacmeen, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee Morocco, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.
Sida laga soo xigtay wasaaradda, dadka dhaawacmay, 51 ka mid ah ayaa ku jiray xaalad halis ah dhulgariirka ka dib.
Tirada dhimashada ayaa la filayaa in ay sii kororto kadib dhulgariirkii la sheegay in uu ku dhuftay saddex meelood meel dalkaasi kamida.
Wararka ayaa sheegaya in dhibaato weyn ay ka jirto sidii loo gaari lahaa tuulooyinka fog fog ee ku yaalla buuraha Atlas oo uu dhulgariirku si ba’an u saameeyay.
Waxa laga yaabaa inay qaadato maalmo ka hor inta samatabbixiyeyaashu aanay gaarin tuulooyinkaas oo badi ka kooban dhismayaal duug ah.
Xataa dadka ku nool jasiiradaha Canary ee xeebaha Morocco iyo Algeria oo deris la ah bari ayaa sheegay inay dareemeen dhulgariirka.
Sidoo kale ad badan oo degganaa magaalada ugu weyn ee u dhow, Marrakesh, ayaa ka qaxay guryahoodii markii uu dhulgariirku dhacay.
Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay dhismayaal gariiraya, burbur badan oo waddooyinka yaalla iyo dad dhex socda burbur iyo boor badan.
Isbitaalada magaalada Marrakesh ayaa lagu soo waramayaa in lagu dabiibayo qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay.
Isha:BBC