Dowladda Kenya oo fulisay qodob ka mid ah heshiiskii ay la gashay Xasan Sheekh

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa fulisay qodob kamid ah heshiiskii ay dhawaan la saxiixatay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheeh Maxamuud.

Qodobka ay fulisay Kenya ayaa la ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee haysta baasaboorada Diplomatic iyo Service ay hadda kadib Visa-ha Kenya ka qaadan doonaan gudaha garoonka diyaaradaha (On Arrival).

Warqad kasoo baxday hey’adda duulista rayidka ee dowladda Kenya ayaa diyaaradaha lagu amray inay la socdaan in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee haysta Diplomatic ama warqad ka haysta wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya inay soo qaadi karaan maadaama loo ogolaaday inay VISA-ha ka qaataan gudaha garoonka.

Tallaabada ay qaaday dowladda Kenya ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Soomaaliya ay fulisay heshiiskii ay Kenya la gashay ee ahaa in dib loo fasaxo ganacsiga qaadka.

Dalka Kenya ayaa waxaa si maalin leh ah ugu safro muwaadiniin badan oo Soomaali ah waana meesha ugu badan oo ay u safraan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib usoo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya kadib muddo 5 sano ah oo uu xumaa xilligaas oo uu dalka madaxweyne ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda kasoo baxday Kenya