JUBALAND oo caddeysay mowqifkeeda ku aaddan golaha wasiirada cusub

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan xukuumada cusub ee Soomaaliya ee uu magacaabay Ra’isul Wasaare Xamze Cabdi Barre, waxaana uu sheegay inay taageersan yihiin xukuumadda cusub,.

Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee Maamulka Jubaland Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) ayaa sheegay inay si buuxda u tageerayaan Xukuumadda Cusub, isaga oo ugu baaqay Golaha Shacabka inay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub.

“Jubbaland ayaa caddeeysay mowqifkeeda ku aadan xukuumada cusub ee Soomaaliya ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in Jubbaland ay taageersan tahay xukuumadda cusub, islamakraana ay ku boorrineyso baarlamaanka inuu ansixiyo” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland.

Wuxuu sidoo kale ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan Golaha Wasiirada Ra’iisul Wasaare Xamse una baahan yihiin in horay loo socdo.

Qoraalkaan ayaa daba socda Warqad kasoo baxday kulan Muuqaalka Fogaan-aragga ku yeesheen Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamul goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ku qaadaceen hab qaybsiga beelaha ee lagu saleeyay Xukuumadda magacaaban.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayay u badan tahay in berri (6da August 2022) uu hor geeyo Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka si uu codka kalsoonida uga helo.