Ciidanka KENYA oo howgallo billaabay iyo Soomaalidii oo ka bara kaceysa…

Mandheera (Caasimada Online) Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee gobalka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan howlgalo ay wadaan ciidamada ammaanka Kenya.

Howlgalka ayaa xiriir la leh markii weerar lagu qaaday saldhig ciidan oo halkaas ku yaala, waxaana ciidamada ammaanka ay qab-qabteen dhowr qof.

Habeenkii xaley waxaa magaalada laga maqlayay rasaas xooggan oo ay ridayaan ciidamada ammaanka Kenya.

Ciidamada ayaa saakay oo Sabti ah xaafadaha ku yaala magaalada Mandheera gurguri u galaya, waxaana ay raadinayaan kooxaha ammaanka lidka ku ah.

Waxaana arrintaas ay saameen ku yeelatay isku socodka dadka iyo gaadid ee gudaha magaalada, Dadka ayaa cabsanaya oo waxa ay ku sugan yihiin guryahooda.

Wariyaasha ku sugan magaalada ayaa sheegay in dhallinyaro badan oo ku noolaa magaalada ay bilaabeen in ay ka barakacaan guryahooda, ayaga oo ka cabsanaya in argagixiso ahaan loo xiro.

Si kastaba, waxaa heegan la galiyay ciidamada dhammaan magaalooyinka dalka Kenya wixii ka dambeeyay weerarkii bilowgii toddobaadkii hore ka dhacay xarunta ganacsiga Westgate ee Nairobi.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi