DHAGEYSO: Somalia iyo Turkey-ga oo saxiixday heshiis lagu farxo + Sawirro

Istanbul (Caasimada Online) Magaalada Istanbul ee xarunta dalka Turkiga waxaa Jimcihii shaley ka dhacay heshiis muhiim ah oo ay kala saxiixdeen dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan oo ay kala saxiixdeen wasaaradaha Arrimaha dibedda Soomaaliya iyo Turkiga, waxaa goobjoog ka kala ahaa ra’iisal wasaarayaasha Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Dr. Maxamed Nuur Gacal oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in heshiiskan uu la xiriiro siddii wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ay uga caawin lahayd wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya dhinaca is-gaarsiinta iyo Farsamada casriga ee (Tiknoolajiyada).

Wasiiro-dowlaha ayaa muujiyay in Turkiga uu ka caawin doono wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya siddii ay xiriir toos ah u sameen lahaayeen safaaradaha Soomaalida ee ku yaala caalamka.

Waxaana marka hore la sheegay in mashruucan lagu billaabi doono 10-safaaradood oo ku yaala caalamka kuwaasoo la isku xiri doono wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Sido kale, wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya Mr. Gacal ayaa sheegay in la soo nooleen doono Machadkii lagu tabbabari jiray shaqaalaha wasaaradda iyo diblomaasiyiinta.

Wuxuu tilmaamay in Turkiga uu tabbabar siin doono shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo kuwa ka shaqeeya safaaradaha Soomaalida ee caalamka.

Si kastaba, heshiiskan ayaa yimid iyadoo dalkaas ay booqasho ku joogaan wafdi uu hogggaaminaayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdifaarax Shirdoon Saacid.

Si la mid ah bishii December sannadkii hore ayaa wasaaradaha gaashandhigga Soomaaliya iyo Turkiga waxa ay Istanbul ku kala saxiixdeen heshiis dhinaca ciidamada, waxaana halkaas booqasho ku joogay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkan dhageyso Wareysiga Gacal

Sawirrada

OLYMPUS DIGITAL CAMERAsomalia yo turkey 2somalia yo turkey 3somalia yo turkey 5somalia yo turkey 4somalia yo turkey 6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi