Kenya oo jawaab ka bixisay go’aankii dalalka Carabta ee xiisadda badda Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ka hadahay baaqii uu dhawaan soo saaray Baarlamaanka Carabta ee Kenya looga digayay inay isku daydo inay ku xadgudubto biyaha Soomaaliya.

War ka soo baxay Dowladda Kenya ayey ku sheegtay in Soomaaliya ay weerar diblomaasiyadeed ku qaadday Kenya markii ay sheegashada Kenya ee biyaha Soomaaliya geysay baarlamaanka Carabta.

Kenya ayaa intaas raacisay in dacwadda ay billowday Soomaaliya 2014-kiina geysay Maxkamadda ICJ, haddana ay Baarlamaanka Carabta hordhigtay, taasi oo ay ku qeexday dagaal diblomaasiyadeed xooggan oo ay kala kulmayso Soomaaliya

Kenya ayaa shalay loo doortay hoggaanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee la socda dhq dhaqaaqa Burcad Badeedda Soomaalida, taasi oo Soomaali badan ka carreysiisay.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya wali kama si shaacsan ugama hadlin go’aanka Kenya lagu siiyay in muddo labo sano ah ay ilaaliso biyaha Soomaaliya, hase yeeshee waxaan xog ku helnay in madaxweyne Farmaajo uu arrintan ku canaantay wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com