Kenya oo joojisay dhammaan duulimaadyadii Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo u muuqata mid aar-gudasho ah, kadib markii ay dhowaan dowladda Soomaaliya ku dhowaaqday inuu weli hakad ku jiro keenista qaadka nooca Mirra oo laga keeni jiray dalkaasi.

Hay’adda duulista hawada ee dalka Kenya ayaa shaacisay in la hakiyey dhammaan duulimaayada diyaaradaha ka imaada ama tega Soomaaliya, marka laga reebo kuwa gargaarka iyo  diyaaradaha gaarka ah ee la shaqeeya hay’adaha Qaramada Midoobay.

Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in go’aankan uu dhaqan-galayo laga bilaabo 11 bishan May illaa 9 bisha soo socota Agoosto ee sanadkan 2021-ka.

Kadib soo bixitaanka go’aanka wuxuu isla-markiiba saameeyey shacab u soo socday gudaha Soomaaliya, kuwaas oo saaka loo diiday inay kasoo ambabaxaan dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in tallaabadan ay ka dambeyso, sababo la xiriira qaadka ay weli hakineyso Soomaaliya ee uga imaan jiray dhinaca Kenya.

Qaadka Soomaaliya uga iman jiray Kenya ayaa la hakiyey, ayada oo lagu beddelay midka Itoobiya, kaasi oo la sheegay in mashruuc lagu siiyey madaxweyne Farmaajo walaalkiisa Xasan Farmaajo iyo dad kale oo dowladda ku jira.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmo ka hor labada dowladood ay soo celiyeen xiriirkoodii diblumaasiyaadeed oo go’ay dhammaadka sanadkii hore ee 2020-kii.