Dalalka BARIGA AFRIKA oo go’aan ka gaaraya codsi ay usoo gudbisay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadamada ku bahoobay ururka EAC ee Bariga Qaaradda Afrika ayaa go’aan kama dambeys ah ka gaaraya codsi la xiriira ku biiritaanka ururkaas oo ay u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha ururkan oo lagu magacaabo, Dr Peter Mathuki ayaa shaaca ka qaaday inay billaabeen howlihii hordhaca ahaa ee diyaarinta dalka ku biiraya ururka EAC.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Soomaaliya ay u gudbiyeen shuruudaha looga baahan yahay inay buuxiso, si ay uga mid noqoto wadamada ku bahoobay ururka EA.

“Arrintaas waxay aheyd codsi, waxay arrinta taagan tahay bilowgii, markaa waxaan u gudbinnay shuruudaha looga baahan yahay inay buuxiso, waana xiriirka ugu horreeya ee dhexmara dal doonaya in uu kusoo biiro ururka,” ayuu yiri Xoghaye Dr Peter Mathuki.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Waana bilaabnay arrintaas haatan, waxaan rajeyneynaa kol haddii howashu bilaaw tahay in la gaari goor ay wax kala caddaadaan oo la gaari doono kolka uu biilaabmi doono ka hadalka kusoo biiridda dalkaas”

Ururka EAC waxaa haatan xubno ka’ah dalal badan oo dhaca Bariga Afrika, sida Kenya, Rwanda, Burundi, Uganda iyo Tanzania.