Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda Qudus – Israel oo isaga baxday AL-AQSA iyo duqeyn weli ku socota Gaza

Qudus (Caasimada Online) – Askarta Israel ayaa la sheegay inay dib uga gurteen Masjidka Al-Aqsa ee magaalladda Qudus, kadib maalmo ay rabshado socdeen, laguna dhaawacay Boqolaal Falastiiniyiin ah, halka ciidamada Yahuudda ay weli sii wadaan duqeymha Gaza.

Bixitaankooda ayaa ku soo beegmay, kadib markii ay Kooxda Muqaawamada Islaamiga ah ee Falastiin ee Xamas ay waqti u qabteen inay Ciiddankaasi kaga baxaan Masjidka Al-Aqsa iyo Tuulladda Xaaji Sheekh Jaraax ee Bariga magaalladda Qudus.

Ciiddanka Israel waxay kaloo weli sii wadaan inay Cirka iyo Badda ka duqeeyaan Deegaanadda Marinka Qasa.

Hadal ka soo baxay Milliteriga Israel waxay ku sheegeen inay Duqeymo la beegsadeen in ka badan 130 Goobood oo ku yaalla Qasa, iyadoo goobaha la duqeeyey ay ka mid yihiin Dhismaha Sirdoonka Milliteriga Ururka XAMAS, sida ay sheegteen.

Hase yeeshee, duqeymaha badankood ayaa lala beegsanayaa goobo shacab ah, waxaana kuwii ugu dambeeyey ee saaka dhacay lagu dilay laba qof oo shacab ah, ayada oo lagu dhaawacay 100 kale. Tani waxay ka dambeysay duqeyntii Isniintii oo lagu dilay 24 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan sagaal caruur ah.

Warbahinta Reer Falastiin waxay sheegeen inay Ciiddanka Israel qaadeen 130 weerar oo 40 ka mid ah ay fuliyeen Waaberigii hore ee saakayto oo Talaado ah.

Waddamada caalamka qaarkood ayaa ku baaqay in la dajiyo xasilooni darrada ka dhex aloosan Israa’iil iyo Falastiin oo faraha ka sii baxaya.

Mareykanka, Midowga Yurub iyo Britain waxay Israa’iil iyo Falastiin ugu baaqeen iney xaaladda si dhaqsa ah u qaboojiyaan.

Xiisadda ayaa ka sii dartay habeennimadi Isniinta kaddib marki ay Falastiiniyiinta ay gantaallo ku soo tuureen magaalada qeybaha ay ka degenyihiin Israa’iiliyiinta.