KENYA oo ka fiirsaneysa heshiis ay la gashay Ethiopia

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa dooneysa inay dib uga gor-gortanto heshiis dhinaca tamarta ah oo ay horay ula gashqy Itoobiya.

Isku-deygan ayaa imanaya ka gadaal markii ay Addis Ababa ku guul-sarreysatay in ay buuxiso shuruudihii lagu heshiiyay.

Heshiiskan oo labada dal dhex-maray bishii July 2022-kii ayaa dhigayey in Itoobiya ay Kenya ka iibiso koronto muddo ku siman 25 sano, balse durba waxaa soo wajahday caqabado u saamixi waayey soo saarista tamar ku filan in ay koronto u dhoofiso dibadda.

Middaan ayay walaac ka muujisay Kenya, ayada oo hay’adda waddankaasi u qaabilsan tamarta iyo shidaalka ee EPRA, xilli qalalaasaha dhanka tamarta ee ka jira Itoobiya in uu Nairobi ku hayo hubanti la’aan, sida ay sheegtay ERPA.

Arrintaan ayaa kalifeysa in ay dib ugu laabato Kenya miiska wada-hadalka, si gor-gortan cusub uga gasho heshiiskan.

“Itoobiya waxay ku guul-darreysatay in ay dhiggeeda Kenya ka shaafiso sababta ugu wacan gaabiska ku yimid fulinta heshiiska ay wada galeen, taas oo Kenya ku ah halis aan la dhayalsan karin,” ayuu yiri Daniel Kiptoo, oo ah madaxa hay’adda EPRA oo la hadlay wargeyska The East African.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aan la dhayalsan karin halista ku gadaaman heshiiskan, wallow aysan Itoobiya weli si rasmi ah gacanta uga taagin hirgelinta heshiiska koronto.