Muqdisho: Xogta koontooyin ganacsi oo la xayiray oo baarisna lagu hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa shaaciyay inuu baaris ku hayo Koontooyin ganacsi oo ku furan magaca Somali Journalists Syndicate oo loo soo gaabsho (SJS).

Bayaan kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in koontooyin ganacsi loo adeegsaday diiwaan-gelintooda shati been abuur ah. Mana shaacin xafiiska inta akoon ee magaca ururkan ku furan ee la xayiray.

“Somali Journalists Syndicate ayaa waxaa loo haysta fal-danbiyeedyada ku cusan qodobada: 372, 378, 452/3 ee xeerka ciqaabta Soomaaliya iyo qodobada 8-aad, f-1aad, qod. 16-aad f-1aad, qod. 26-aad ee sharciga Saxaafadda xeer lr. 26, ee soo baxay 2020,” sida lagu yiri qoraalka xafiiska xeer ilaalinta qaranka.

Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbisay warbixin baaris, xayiraad iyo fatashaad la xiriirta Koontooyinkan ganacsi, ayada oo maxkamadda soo saartay amar fatashaad iyo xayiraad.

“Maxkamadda oo ka jawaabaysa codsiga Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa ay soo saartay amar Fatashaad iyo Xayiraad waafaqsan qodobada 53,54,55 XHCS,” ayaa markale lagu yiri qoraalka xafiiska xeer ilaalinta qaranka.

Xeer ilaalinta ayaa ugu dambeyntiina shaacisay in marka uu soo idlaado baaritaanka ay maxkamadda u gudbin doonto eed waafaqsan qodobka 71-aad ee XHCS.

Xeer ilaalinta ma shaacin macluumaad dheeri ah oo la xiriira koontooyinka ganacsi ee baarista ku hayso iyo halka ay ka furnaayeen, marka laga imaado magaca ku furnaa iyo in lagu diiwaan-geliyay shati been abuur ah.