Hogaamiye goboleedka xiga ee Xasan Sheekh kahor iman kara kadib DENI (Afar qodob)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hadda gacanta uguma jiro maamul goboleedka ugu faca weyn maamullada ka jira dalka.

Sababta khilaafka Puntland iyo Villa Somalia waxay noqon kartaa mid lagu kala aragti duwan yahay, balse natiijadu waa in uusan Xasan Sheekh maanta haysan Puntland. Maqnaashaheedu waa culeys siyaasi ah, gadoodkooda cusubna wuxuu sii kala dhantaalaya wadajirka dalka, balse waxaa dhinaca kale hadda ka imaanaya culeys cusub.

Markan waa Jubbaland. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in hoggaamiye Axmed Madoobe uu ka fikirayo inuu ka bayro nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

Kala tagan oo saan-saantiisa muuqato waxaa dhiiri-gelinaya afar arrimood, kuwaasi oo kala ah;

1. Damaca dib u doorashada

Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxa uu doonayaa inuu markale noqdo hoggaamiyaha maamulkaasi. Sharciyan Axmed Madoobe markale isma sharaxi karo oo dastuurka maamulka ayaa u diidaya, laakiin hadda waxa uu diyaarinaya inuu qodobka xanibaya musharaxnimadiisa inuu beddelo oo uu ka dhigo inuu markale tartami karo ama in la tiro tirada xadidan ee qofka la dooran karo.

Villa Somalia dhankeeda ma rabto inuu Axmed Madoobe halkaas sii joogo waqti fog, balse weli aragti cad kama lahan cidda ay ku beddelayaan iyo sida ay u beddeli karaan.

Axmed Madoobe taas waa fahamsan yahay waxaana la sheegayaa inuu isku diyaarinayo inuu iskiis u qabsado hanaan doorasho oo gaar ah. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka cararaya inay maamullada aadan doorasho dadban, taas oo hadey dhacdo isagana ku celin karta teendhadii Afisyoone.

In madaxda maamullada doorasho la’aan joogaana iyaga ayay halis ku tahaya, mana muuqato dhabo ay ku qaban karaan doorasho qof iyo cod ah, sidaas darteed waxay ku qasban yihiin inay xal la yimaadan.

Axmed Madoobe waa midka koowaad ee la filayo inuu tallaabo qaado, waana meesha ay ku kala tagi karaan isaga iyo Xasan Sheekh. Asbuucyada soo aadan ayaa la filayaa inuu isbeddel dastuur ku dhaqaaqo Axmed Madoobe.

2. Qorshaha Itoobiya

Dowladda Itoobiya ayaa lasoo warinayaa inay maalmahan dambe si weyn ugu dhex jirto maamullada ka jira Soomaaliya, iyada oo ku cadaadinaysa inay kusoo xirmaan Addis Ababa. Tan iyo markii uu bur-buray taliskii TPLF ee Itoobiya waxaa hoos u dhacday fara-gelinta Itoobiya ee arrimaha gudaha Soomaaliya.

Laakiin hadda nidaamka Abiy Axmed ayaa raba inuu dhaqankaas dib usoo celiyo, si uu cadaadiska ugu badiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qodobkan waa mid kamid ah waxyaabaha dhiiri-gelinaya Axmed Madoobe maadaama uu heli karo darbi siyaasadeed.

3. Garabka Imaaraadka

Qodobka kale ee Axmed Madoobe ku dhiiri-gelinaya inuu ka baxo safka Xasan Sheekh waa kabka uu waayahan ka helo dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo la sheego inay waayahan dambe si dhow u taakuleyso maamulka Jubbaland iyada oo aan waxba usoo marin dowladda dhexe.

4. Xubnaha Axmed Madoobe kasoo horjeeda ee la midoobay Xasan Sheekh

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aruursaneysa dadka diidan siyaasadda Axmed Madoobe, waxaana halkaas laga fahmaya sida uu Xasan Sheekh waqti badan u gelinayn inuu qanciyo Axmed Madoobe.

Ama sida kale waa farriin kooban oo ku sheegaysa inay labada nin sii kala tagayaan. Haddii uu madaxweyne Xasan Sheekh lumiyo maamul goboleed labaad waxay kordhin doonta culeyska maanta haysta waxayna wiiqi doonta riyooyinkiisa doorashada 2026.