Sawirro: Sidee ayey maanta u dhacday xil-wareejinta wasaaradda amniga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha ra’iisul wasaaraha XJFS Saalax Jaamac ayaa maanta xilalka uu kula wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradda amniga gudaha Cabdullaahi Sh. Ismaaciil Fartaag iyo ku-simihii wasaaradda Maxamed Cali Xagaa.

Ra’iisul wasaaraha oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda amnigu ay ka mid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, sidaas darteedna loogu dhiibay shaqsi aqoon iyo waayo aragnimo u leh.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray in laga sugayo sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd meel ammaan ah oo ka caaggan argagixisada.

Mudane Saalax ayaa xusay in qori kaliya aan lagu sugi karin amniga dalka oo loo baahan yahay in la xoojiyo hay’adaha sirdoonka iyo caddaaladda, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaata sugidda amniga qaranka.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha, xildhibaanno, agaasimaha hay’adda NISA, taliyaha ciidanka booliska, agaasimeyaasha iyo shaqaalaha wasaaradda.

Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa 7-dii bishaan loo magacaabay wasiirka amniga gudaha kadib billooyin uu xilkaasi banaana, waxayna magacaabistiisu kusoo aadeysa xilli xasaasi ah oo dalka uu ku jiro dagaal ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.