Kenya oo ka laabatay mid ka mid ah go’aanada ay ku cadaadineyso Soomaaliya

Lamu (Caasimadda Online) – Dowlada Kenya ayaa ka qaaday xayiraadii saarneyd kalluumeysatada Lamu ee hore looga joojiyay inay ka jillaabtaan meelo ku dhow xadka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Maamulka xeebaha dalka Kenya John Elung ayaa sheegay in ammaanka sare loo qaaday lana geeyay xeebaha ciidamo Milatari ah.

Dowlada Kenya ayaa ka mamnuucday horaantii bishan kalluumeysatada Kenya meelaha u dhow dhow xadka dalka Soomaaliya gaar ahaan Ras Kamboni sababo amni awgeed.

Mamnuucida ay hore ugaga mamnuucday dowlada Kenya kalluueysatada Lamu ayaa ka mid ahayd tallaabooyin is xig-xiga oo ay dowlada Kenya qaaday kuwaasoo loogaga soo horjeedo dowlada Soomaaliya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com