Halkee ayey gaarsiisneyd cadaawadii ka dhaxeysay Max’ed Qanyare iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho Allah ha u naxariistee, Maxamed Qanyare Afrax, oo ka mid ahaa raggii siyaasadda Soomaaliya magacoodu ku sidkamay.

Maxamed Qanyare wuxu ku dhashay degmada Ceel-Buur bishii Ogost 1941-kii, halkaas ayuu ku koray kana galay malcaamad Quraanka, ka dibna waxa uu tagay magaalada Xamar oo uu waxbarashada ilaa dugsiga dhexe uu ku dhamaystay.

Tacliintii dugsiga dhexe markii uu dhamaystay waxa la qoray booliska, waxaanu ahaa askari ka tirsan booliska, muddo ka dibna wuu ka tagay. Marxuumku wuxu markii dambe u wareegay dalalka Bariga Afrika oo uu ganacsi ka bilaabay sannadii 74-kii muddo dheerna ku noolaa.

Maxamed Qanyare ayaa lagu yaqaanay inuu ahaa nin aan jecleyn Itoobiya isla markaasna aan wax xiriir ah la sameysan intii uu awooda lahaa iyo markii dambe oo uu noqday tabar la’aan, waxayna taas aheyd arrin uu kaga duwanaa hoggaamiye kooxeedyadii kale kuwaas oo hub badan kasoo heli jiray kuna xirnaa Itoobiya.

Maxamed Qanyare oo waqtigii la dhisayey ururkii la dagaalanka argagixisada kulan Nairobi kula qaatay CIA-da Mareykanka ayaa diiday in Ciidamo Itoobiyaan ah gudaha Soomaaliya lasoo geliyo si loosoo qabqabto dad uu Mareykanka raadinayey oo ku sugnaa Soomaaliya kuwaas oo ka dambeeyey qaraxyadii lala beegsaday Safaaradihii Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania.

Sida uu VOA u sheegay waqti hore Cawsley  oo ahaan ninkii u kala turjumayey Hoggaamiye kooxeedyadii iyo CIA-da Mareykanka,  Qanayre ayaa CIA-da ku yiri ‘Ma rabno Itoobiyaanka inay soo laabtaan waayo waa caddowga dadkeena, sidoo kalena ma rabo Ameerikaanka inuu soo laabto, waxaan idiin sheegeynaa inaan anaga la dagaalameyno kuwa aad rabtiin in gacanta lagu soo dhigo.”

Qanyare ayaa lagu xasuustaa inuu si weyn uga soo horjeeday dowladii Itoobiya ee ay hoggaaminayeen Tigreega laga soo bilaabo 1990 ilaa 2018, wuxuuna dhawr jeer diiday wadahadalo ay ka codsadeyn Itoobiya.

Maxamed Qanyare oo la hadlayey saxaafadda markii ay maxkamadaha la wareegeen Muqdisho isagoo ku sugan degaanka Derri ee Gobolka Galgaduud ayaa Maxkamadaha ugu baaqay inay dalka ka difaacaan Itoobiya, wuxuuna hadalkaas muujiyey meesha ay kala joogeyn Qanare iyo Itoobiye.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com