Wararkii ugu dambeeyey mas’uuliyiinta canshuuraha garoonka Aadan Cadde oo caawa ku hoyanaya CID

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Xabsiga loo taxaabay illaa 9 Mas’uul oo madax ka kala ahaa qeybaha kala duwan ee Canshuuraha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintaas ayaa markii hore waxaa lagu xiray Saldhigga Ciidamada Booliska ee Garoonka Aadan Cadde kadib markii sidaas lasoo amray.

Waxaa guuldareystay isku dayo lagu doonayey in lagu sii daayo mas’uuliyiintaas kadib markii la ogaaday in kiiska lagu heysto uu yahay mid culus oo la mid ah midkii dhawaan ka dhacay Dekadda Muqdisho.

Mas’uuliyiintaas ayaa Galabta gelinkii dambe waxaa loo soo wareejiyey Xarunta Dambi Baarista CID oo ku taal Nambar Afar.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan CID-da, oobiga mas’uuliyiintaas ayaa waxaa lagu qoray inay ku eedeysan yihiin Musuq maasuq Maaliyeed.

Sidoo kale oobiga ayaa lagu qoray inay ku eedeysan yihiin dhac loo geystay xoolo dadweyne.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socdo ay kasoo muuqdaan maxkamad isla markaasna lagu soo eedeeyey musuq maasuq ka dhacay canshuuraha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Inkastoo dadka la xiray ay yihiin illaa 9 qof, haddana Shabakadda Caasimadda Online waxaa u suurta gashay inay kaliya hesho magacyada iyo xilalka 4 kamid ah oo kala ah:

  1. Madaxii Canshuurta Qaadka ee Garoonka Aadan Cadde Cabdi Maalik
  2. Madaxii Qeybta Canshuuraadka Garoonka Aadan Cadde, Cabdiweli
  3. Ninkii qaabilsanaa tirinta Qaadka oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan.
  4. Madaxii Qeybta xisaabaadka ee Garoonka Cabdirisaaq

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com