Kenya oo Qatar u adeegsaneysa kiiska badda iyo Doha oo la kulantay mas’uuliyiin Soomaali iyo Kenyan ah

Doha (Caasimada Online) – Ayada oo ka cabsaneysa guul-darro, ayey Kenya go’aansatay inay qaadacdo dhageysiga kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee maxkamadda ICJ, waxaana hadda ay rajeyneysaa inay arrintan xal u hesho ayada oo gacan ka heleysa Qatar.

Sida uu qoray wargeyska African Intelligence, Uhuru Kenyatta ayaa sameynaya wax kasta oo uu awoodo si uu Soomaaliya u keeno miiska wada-xaajoodka, waxaana rajadiisa ugu dambeysay ay tahay Qatar.

Sida lagu sheegay warbixinta African Intelligence, Kenyatta ayaa Qatar weydiistay inay Soomaaliya ka dhaadhiciso wada-hadal.

Intii uu ku sugnaa magaalada Doha, oo uu kaga qeyb-galay shirka hubka ee Milipol oo socday 14-kii illaa 17-kii March, wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Khalid bin Khalifa Al Thani isaga oo weydiistay in Qatar ay gacan siiso Kenya. 

Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo isna shirkaas uga qeyb-galay Doha ayaa la kulmay Sheikh Khalid bin Khalifa Al Thani, ayada oo la rumeysan yahay inuu arrintan kala hadlay.

Kenya ayaa xiriri wanaagsan la leh Qatar. Waxaa sidoo kale jirta in Qatar ay saami ku leedahay shirkadda shidaalka ee Talyaaniga ee ENI, taasi oo Kenya ay siisay shati ay shidaal kaga baarto dhul-badeedka ay sheeganeyso ee ay Soomaaliya leedahay.

Doha oo ah dowladda ugu weyn ee taageerta Villa Somalia, inkasta oo wax la taaban karo aysan u qaban shacabka Soomaaliyeed, ayey Kenya rumeysan tahay inay ka dhaadhicin karto madaxtooyada Soomaaliya inay wada-hadal ka gasho kiiska badda.

Si kastaba, wargeyska African Intelligence ayaa sheegay in muranka ka taagan doorashada Soomaaliya uu wada-hadal dhex-mara Nairobi iyo Muqdisho ka dhigaya mid adag, maadaama uu dhacay muddo xileedka Farmaajo, oo uusan qaadan karin go’aano masiiri ah.