Kenya oo shaacisay mowqifkeeda rasmiga ah ee ku aadan bixitaanka AMISOM ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa aysan ku qanci doonin qorshaha ciidamada hawlgalka AMISOM looga saarayo Somalia.

Madaxweyne Kenyatta waxa uu sheegay in dowladiisa ay dooneyso Somalia oo nabad ah, maadaama ay xiriir jaarnimo la leeyihiin Somalia oo uu daashaday burbur.

Kenyatta, waxa uu tilmaamay in Somalia ay kasoo gudubtay marxalad adag, sidoo kalana ay u harsan tahay muddo kooban oo ay ku gaareyso Nabad iyo kala danbeyn, si taa loo helo ayuu soo jeediyay in ciidamada AMISOM lagu sii hayo Somalia.

‘’Kenya waxa ay dooneysaa in ciidamada AMISOM lagu sii hayo Somalia, waayo Somalia oo nabad heshaa waxa ay ka dhigan tahay Kenya oo Nabad heshaa’’

‘’Kenya waxa ay aaminsan tahay in Xasiloonida Somalia ay tahay furaha gobolka, wax kasta oo aan sameyn karno si loo xaqiijiyo horumarka ilaa hadda la gaarsiiyey waa la sii wadi doonaa”.

Kenyatta waxa uu tilmaamay in Mowqifka Kenya uu yahay in ciidamada AMISOM lagu sii hayo Somalia, waxa uuna cadeeyay in si weyn ay uga soo horjeedan in Somalia laga saaro AMISOM.

Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay in ciidanka Soomaaliya ee SNA aysan weli diyaar u ahayn in ay la wareegaan amniga dalkooda, sidaa aawgeed ay soo jeedinayaan inaan AMISOM sanadkaan laga saarin Somalia.

Qaramada Midoobey ayaa horey u go’aamisey wakhtiga AMISOM Soomaaliya ka baxayso in uu noqdo dabayaaqada sanadkan 2018.

Geesta kale, Dowladaha Ugandha, Ethiopia, Burundi, Jabuuti iyo dowladaha kale ee ciidamada ka jooga Somalia ayaa aad u dhaliilsan in ciidamadooda ka baxaan Somalia, sababo dhanka dhaqaale ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com