Maxaa looga hadlay kulanka biyaha ee SISI, Bashiir iyo Desalegn?

Waxaa Magaalada Adis Ababa kulan doceed bar-bar socda shir madaxdeeda midowga Afrika ku yeeshay hoggaamiyeyaasha dalalka Masar, Suudaan iyo Itoobiya.

Cabdifitaax Al-sisi, Cumar Al-bashiir iyo Hailemariam Desalegn ayaa ka wada hadlay arrimaha biyo-xireenka Al-Nahda, kaas oo lagu wado in dhowaan la soo gabagabeeyo dhismihiisa.

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi oo hadlayey kulanka kadib ayaa sheegay in xal laga gaaray wixii laga wada hadlayey isaga oo intaasi raaciyay in maslaxadda dalalka ay tahay mid qura ah.

Dalka Masar ayaa ka biyo-diidan in xisadiisa biyaha la taabto, xisadda oo ah 55 billion(88 billion cubic meters) waa mid libaax, waxaana arrintaas dood ka qabo Suudaan iyo Itoobiya.

Masar waxaa ay ka sheeganeysaa in ay heysato faqri xagga biyaha ah, taasi oo keeneysa in ay wal-wal ka keento biyo yaraanta ka dhalan karta haddii Itoobiya bilowdo in ay buuxiso biyo-xireenka

Dalka Itoobiya waxaa uu rabaa in labo-jibaaro korontada, oo uu koronto fiican ka dhaliyo biyo-xireenka,  Itoobiya 60% waa dhulka waa mugdi halka Masar ay meel walba iftiin tahay.

Itoobiya waxaa ay rabtaa in biyo-xireenka Nahda  lagu buuxiyo 3 sano gudahood halka Masar ay dalbaneyso 7-10 sano in ay qaadato.

Itoobiya waxaa ka socda shir madaxdeedka 30aad ee midogwga Afrika, sanadka dambe waxaa lagu qaban-doonaa Masar.