Sawirro: Maamulka cusub ee gobolka Banaadir oo si rasmi ah xilka ugala wareegay Taabit

Muqdisho (Caasimada Online)-Munaasabad si weyn loo soo agaasimay ayaa xalay ka dhacday xarunta dowladda hoose ee Xamar, taasoo ay ay xilka kula wareegayeen hoggaanka cusub ee Gobolka Benaadir oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” iyo ku-xigeenadiisa.

Mas’uuliyiin kala duwan iyo siyaasiyiin caan ah ayaa ka qeyb galay xafladda xil wareejinta, waxayna isdhaafsadeen guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo kan cusub iyo kuxigeenadaba documentiyo muujinaayo howlaha qabyada ah, wixii horay loo qabtay iyo mustaqbalka dhow waxa gobolka hiigsanaayo, iyagoo kala saxiixday wareejinta xilalka.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisow hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa ku amaanay duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed, waxqabad muuqda iyo in maamulka cusub ay horyaalaan inuu horay usii wado horumarka iyo howlaha qabyada u ahaa maamulkii hore.

Amaanka xarunta dowladda hoose iyo xaafadaha ku dhow dhow ayaa aad loo adkeeyay iyadoo la dhigay ciidamo lana xiray wadooyinka qaarkood.