Xog: Villa Somalia oo qorshe cusub u diyaarisay wasiirada xilalkooda weyn doona

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in halkaa lagu diyaarinaayo liiska Safiiro cusub oo kamid noqon doona kuwo dhawaan la magacaabi doonto.

Diyaarinta liiskan ayaa si rasmi ah uga socda Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre, ka hor inta uusan u gudbin Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia ee iminka howlo shaqo uga maqan dalka.

Diyaarinta liiskan oo laga leeyahay qorsho fog ayaa waxaa isla og Madxaweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre oo diyaarinta liiska sii wada.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegaya in Liiska Safiirada cusub ay kasoo dhexmuuqan doonaan Wasiiro iminka haya xilal, Taliyayaal ciidan iyo Siyaasiyiin kale.

Safiirada ugu badan ee la magacaabayo ayaa noqon doona Wasiiro maalmaha soo socda xilkooda weyn doona iyo Taliyayaal ciidan oo iyaguna xil ka qaadistooda kadib lagu buuxin doono Safaarado dhowr ah oo banaan.

Qorshahaan cusub ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo sheegay in dowladiisa ay ka fogaan doonto inay shaqo la’aan dhigto Mas’uul xil laga qaaday.

Si kastaba ha ahaatee, qorshaha hadda ka socda Villa Somalia ayaa waxaa looga gaashaamanayaa in meel cidla ah ay kusoo dhacaan shaqsiyaadka xilalka laga qaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com