Xeredeena waa wada ulo ul laqaatana ma leh

Cinwaanka  Maqaalka  waa  googaaleysi soomaaliyeed oo xambaarsan murti qoto dheer waana dhaqan wanaagsan oo soomaalida lagu yaqaana  in ay Googaa iyo Cadala su’aalaha xiligaa jooga isku weydiiyaan .Googaaleysigan  wuxuu ka hadlayaa xero ay ku xareysantahay Lo’  farabadan marka aad  dusha ka aragto waxaa kuu muuqanaya wax aad mooda  Ulo dhaadheer oo ah Geesaha Lo’da  marka aad is tirahdid  bal hal ul ka soo qaado waaba  geesihii Lo’da  oo ma qaadan kartid  waa su’aasha jawaabteeda oo ah geesaha Lo’da  waxay tilmaameysaa wax badan oo aad u malaysid in ay wanaagsanyihiin  oo hadana wanaagsaneyn , wax badan oo aan tayo lahayn,  hadii aan maah-maahyo kale soo qaadano  waxa jirta maah maah  English ah  oo  oraneysa  all that gilitors are not gold  carabi ahaana ku noqoneysa ليس كل ما يملع دهبا   oo ah waxa dhaldhalaala oo dhan dahab ma ahan . reer baadiyuhu waxay yirahdaan dhaan dabagaale  oo ah marka aad safar ku jirtid waxaad arkeysaa meel kaa horeysa oo ay wax ka birqayaan  marka aad timaadidna wixi aysan kuu muuqaneyn . maah-maahyada, googaaleysiga iyo tusaalahan aan soo qaatay waxan uga gol leeyahay  Tayo la’aanta waxbarasho ee dalkeena ka jirta oo maanta  malaayiin soomaali ah ay  wada qaateen degreega 1-aad ee Jaamacad ama  midka 2-aad halka  degreega ugu danbeeya  uu soo xoogeysanaya  qaadashadiisa . jaamacadihii oo batay  oo aanan  lahayn wax nidaam dowli ah oo kala haga ayaa waxay keentay  in  jaamacad kasta ay bixiso  degree waxbarasho oo ardayga la siinaya uusan xambaari Karin  awoodna uusan u lahayn  in uu beri la soo ban baxo ama la soo shir tago .marka laga hadlaya jaamacadaha waxaa jira kuwo xarumo leh iyo kuwo aanan  xarumo lahayn oo magac ahaan u jira hadana bixiya  Shahaadooyinka , waxaa horay dalka uga jiray adeega Cabdala shideeye oo ahaa khatar dalka ka jirtay  oo keeneysay in la aamini waayo documintiyadeena  jaamacadahan badan ee iska furan ee aanan lahayn nidaam dowli  waxay sii kordhiyeen  khatarta waxbarasho ee dalka ka jirta.  tayo la’aanta waxbarasho ee dalka ka jirta waxay keentay  in  ardayga soomaaliyeed uu waxbarashada ka bilaaba  Master  Degree oo ah  Degreega 2aad ee jaamacad bixisa  waayo ardayga waxaa u sahlan in degreega 1aad uu si sahlan ku helo  isla markaasna uu aada dalka dibadiisa  ardaygiina sanad kadib  ku soo laabta dalka isagoo sita degriiga  2aad ee ah Master-ka . waxan is weydiin karnaa  arday soomaaliyeed oo aada dal shisheeye muda sanad ahna soo joogay  horayna aan wax u baran . sanadka ma dhaqanka dalkaas ayuu ku fahmaa  mise waxbarasho ayuu soo dhameystaa , waxan ka hadlayaa waa ardayga aanan soo marin nidaam waxbarasho sax ah .

DHIBAATADA UGU WEYN EE AY LA TIMID TAYO LA’AANTA WAXBARASHO

Dhibaatada ka dhalatay  tayo la’aanta waxbarasho  waxa ka mid ah in uu soo baxo siyaasi  tayo la’aan ah  ugu danbeyna  waxa imanaya madaxweyne tayo la’aan ah  waxaana dhalanaysa in dalka uusan horumar gaarin waligii .

FAAIDADA LA TILMAAMI KARA EE KA DHALATAY  TAYO LA’AANTA WAXBARASHO EE DALKA

Waxaa abuurmay fursado shaqo  oo u badan macalinimo, waxaa loo soo jeestay in  buug la qaato ugu yaraan   maalmo, bilo ama sanado halkii  qori lagu ordi jiray

TALO SOO JEEDIN

Waxan soo jeedinayaa in  la helo nidaam waxbarasho  dowli ah oo sax ah , in la yareeyo waxbarashada gaarka loo leeyahay , way soo dadaaleen  oo dalki isagoo dowlad la’aan iyo burbur ku jira ayay waxbarashadii  kor u soo qaadeen  laakiin mar hadii tayo laaanta ay badatay waa in laga fikiraa sidii loo yarayn lahaa ,  waa in la soo celiyaa nidaamkii waxbarasho ee uu dalku lahaa lana soo celiyaa dhamaan goobihii waxbarasho ee uu dalku lahaa ee sida gaarka ah loo adeegsada. Waa in ay bilaabataa wacyigelin waxbarasho oo dhab ah si ugu yaraan loo soo celiya tayadii waxbarashoo ee nalagu yiqiin  si caalamka noo aamino . waa in wasaarada waxbarashada  ay qaatataa door shariif ah  oo ku aadan sidii tayada waxbarasho ee dalka dib loogu soo celin lahaa , waa  in la diyaariyaa  imtixaano adag  oo lagu kala saaraya  qofka dadaalay ee waxbartay iyo midka aan waxbaran marka ay timaada shaqa bixinta

Waxaan soo jeedinayaa in maqaalkan loo qaato in uu yahay maqaal wa dhisaya  ee aan loo qaadan mid wax duminaya

GEBAGABO

Waxaan u baahanahay  Tayo  ee uma baahnin tiro

Waad mahadsantihiin

W/Q.  Saaxibkiin  Ahmed Abdi Hassan

E-mail: ashrafsom@gmail.com