Kenya oo shaacisay shirkad si gaar ah kaga dambeysa xiisadda kala dhaxeysa DF

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markale eedeyn u jeedisay dowladda Norway iyo shirkad gaar ah oo laga leeyahay dalkaasi.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa shaaciyay in shirkad laga leeyahay Norway ay si toos ah kaga dambeyso xiisadda u dhaxeyso dowladaha Somalia iyo Kenya, waxaana shirkadaasi la sheegay inay ka dhex shaqeyneyso madaxda labada dhinac.

Wargeysa Daily Nation ayaa baahiyay in dowladda Kenya aysan ku faraxsaneyn habka dhaqanka dowladda Norway, maadaama ay sheegeen inay ka dhex shaqeyneyso labada dowladood ee Kenya iyo Somalia.

Shirkad magaceeda lagu sheegay DNO oo laga leeyahay dalka Norway ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeyso xiisadda u dhaxeyso labada dhinac, waxaana lagu eedeeyay shirkadda inay dooneyso shidaalka laga helay badda Kenya ay murunka gelisay.

Waxaa uu sheegay in ay Soomaaliya ruqsad uga heysato in ay shidaal ka baarto halka ay ku muransanyihiin labada dal.

Kenya waxaa intaas ku dartay in doodda Soomaaliya ee ku aaddan halka lagu muransanyahay ay salka ku heyso dano ganacsi,waxaana ay ku baaqday in Soomaaliya ay Ruqsadda kala noqoto sharikaddaas.

Maxkamada ICJ ayaa laga sugayaa go’aanka ugu dambeeyo, waxaana muuqata in dowladda Kenya oo ka walaacsan natiijada inay bilowday inay cadaadis saarto dowladda Soomaaliya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
Caasimad@live.com