Khuburo xaqiijiyey Somalia inay guul uga soo socoto kiiska dacwada badda

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya uma furna wax aan ka ahayn inay si diblomaasiyadeed ula heshiiso dowladda Soomaaliya, marka ay noqoto muranka badda ee u dhaxeeya labada dal, waxaa sidaas xaqiijiyey khuburo Kenyan ah.

Khuburo dhinaca badda iyo diblomaasiyadda ah ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee Hague ee ku saabsan kiiska badda Soomaaliya ay u badan tahay inuu noqdo mid Kenya aysan ku farxi doonin.

Khubrada ayaa sidoo kale sheegay inay rumeysan yihiin in danaha dalal kale oo shisheeye ay mas’uul ka yihiin xiisadda ka dhex oogan labada dhinac.

Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka tirsan hay’adda wada-tashiga ee SouthLink ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inay tahay in Kenya ay wax walba u sameyso inay ku qanciso Soomaaliya inay ka laabato dacwada badda, oo ay wada-hadal diblomaasiyadeed furto.

Faaduma Cali oo iyana wax ka dhigta jaamacadda the United States International University-Africa ee Nairobi ayaa Kenya ugu baaqday inay iska ilowdo fikrika ah inay Soomaaliya u tahay walaal ka weyn, oo ay qasab tahay inuu u sameeyo wixii ay doonto.

“Kenya waa inay raadisaa xal ka baxsan maxkamadda, waa inay Soomaaliya kula hadashaa meel dibedda ka ah maxkamadda. Mowqifka ah Soomaaliya waa ay nagu abaal dhaceysaa, wuxuu uga dambeyn noqon doonaa mid aan ku khasaarno” ayey tiri Faaduma Cali.

Cadaadiska sii kordhaya ee Kenya ay saarayso Soomaaliya ayaa khubarada ay rumeysan yahay inay ugu wacan tahay ayada oo ay uu muuqato guul-darrada uga soo socota kiiska maxkamadda ICJ, sidaas darteedna ay dooneyso inay qasabto Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa marar badan ku gacan seertay baaqa dowladda Kenya ee ah inay kula hadasho meel ka baxsan maxkamadda.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com