KENYA oo shaacisay ‘xiriir dhex-maray Xasan Sheekh iyo Uhuru iyo arrin laga heshiiyey’

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo saartay war cusub oo la xiriira heshiiska qaadka loo iib-keenaayo Soomaaliya ayada oo sheegtay in madaxweynayaasha labada dal ay xiriireen heshiisna ka gaareen arrintan

Wasiirka Beeraha Kenya, Peter Munya ayaa sheegay in heshiiskan lagu waday in toddobaadkan lagu saxiixo Nairobi balse uu dib u dhac ku yimid, wuxuuna ganacsatada ugu niyad qaboojiyey in dhowaan la saxiixi doono.

Peter Munya ayaa sheegay in dib u dhaca uu sababay safarkii madaxweynaha Soomaaliya ku tegay dalka Turkiga, kaas oo shalay kasoo laabtay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in heshiiska dhawaan la saxiixi doono.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay madaxweynayaasha labada dal ay xiriir sameeyeen, isla-markaana ay ka wada-hadleen in hore loo sii wado wada-hadallada labada dhinac.

“Waxaan rabaa inaan u caddeeyo beeraleyda Miira inaysan niyad jebin, heshiiska ganacsiga lama saxiixin Talaadadii sida ballantu ahayd, sababtoo ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sugnaa dalka Turkiga, labada madaxweyne waxay ku talo jiraan inay dhawaan kulmaan si ay heshiiska u saxiixaan,” ayuu yiri Mr Munya.

Villa Somalia oo aan la xiriirnay way ka gaabsatay inay xaqiijiso heshiiskan.

Bishii June ayey aheyd markii wasiirka beeraha Kenya uu shaaca ka qaaday in wada-hadallada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeysay si heshiis looga gaaro in xayiraad ay Soomaaliya ka qaado qaadkii Kenya.

Soomaaliya ayaa hakisay qaadkii laga dhoofini jiray Kenya labo sannadood ka hor oo ay taariikhda ku beegnayd 19-kii Maarso ee 2020, iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha Covid-19, balse markii dambe la ogaaday inay aheyd arrin siyaasadeed.

Waxaa kadib la fasaxay qaadka Itoobiya oo heshiiskiisa loo xiray xubno ka tirsan qoyska madaxweyne Farmaajo iyo dad xulufo la ah, kuwaasi oo ka sameeyey lacag malaayiin dollar ah.